Qisadii Murugada Badneyd Ee Ku Dhacday Caaliya (Qeybtii 2aad)… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

0
433

Waxay qisadu mareeysay iyadoo dhagax ku aragtay jeebada toobkeega iyo riyadii oo is-furtay iyo xanuunkii caaliya ay kelidd midig ka dareentay, caaliya oo inoo sii wada-sheekadeedii waxay tidhi: “waxay xaaladeydu sidaa ahaataba oo an xanuun kujiraba inankeeygii yaraa da,diisu waxay gaadhay todobo iyo toban bilood [sanad iyo shan bilood] kadib waxan doonay inan jewiga bedelo sidaa daradeed waxaan usafray magaaladii abtiyaashey ay deganaayeen si an uga baxo jewigii adkaa een ku noolaa, markii aan gelin abtiyaashey aan la joogay waxoogaa caafimaad ah kadib waxaan ku soo noqday gurigeegii.

Waxan la kulmay arin iga argigixisay oo ay dadkii la yaabeen taas oo ah inan gurigii ku arkay quraanjo faro badan oo buuxisay xitaa shandadeydii dharka ilamaa qasaaladii aan dharka kumeey-dhayay,waxaa kaloo iibilaabatay inan ku riyoodo riyooyin xun-xun oo iga nixiya, waxaa kaloo dhacday inan arko anigoo soo jeeda bahalo sida dabo-qalooc [dabo aleelaad] iyo bahalo dhex soc socanaya oo aniga un an-arkayo, laakin musiibada kasii-weyn ee igu dhacday waa inan bilaabay inan salaadii ka baxsaday oo la igu kari waayay, hadii ay dhacdo mararka qaar inan tukado kolkan salaada ka baxo ayan ku dhawaaqayay hadalo shirkiyaad ah.

Waxaa kale oo iyadana igu soo korodhay inaan markasta dooni jiray inan is-dilo oo an dabaqa iska soo tuuro, waxa kale oo dhici jirtay inan mararka qaar aan madaxeeyga gidaarka an ku garaaco aniga oon weliba xanuun dareemeyn, marka qaarkood sida dibiga ayaan uciyayaya, marmarna sida eeyda ayaan uciyayay, waxaana ku soconayay afarta adin [gacmaha iyo lugaha] sida waraabaha, marar ka qaarkood waxan ku dhawaaqayay codad yaab leh oo ay dadku ka fajacayeen, waqtiyada qaar xoog baan uxanaaqayay oo qofna ma kareyn markaa inu ijoojiyo ama uu gacanta iqabto maxaa yeelay waan iska-gundhinayay.

Markay xaaladeeyda caafimad adkaatay ayaa zowjkeeyga iyo ehelkeyga waxay go’aansadeen inay dabiib ay ku deyaan, dabadeetana waxa la ii geeyay wadaado iyo culimo waxay bilaabeen inay quraan igu akhriyaan iyo ducooyin, waxa kale oo ay isiiyeen Saliid Seytuun aan jidhka mariyo iyo geedo iyo xabatu-soowdaa, waxaana ay ku taliyeen wadaadadii gurigii fooqa ahaa ee aan deganeyn inan ka guurno oo aan degno guri kale oo caadi ah iyo in wixii alaabo ah ee gurigii hore yaalay iyo wixii dhar ahba aan laga soo qaadin oo ay alaabo kale oo cusub ay iibsadaan iyo in dhulka ay firaash dhigtaan oo ay sariiraha iska daayaan inta uu cilaajku socdo sidii bay yeeleen.

Nasiib daro arintaas waxba may soo kordhin oo xanuunkii baa igu sii kordhay, kadibna wadaad kale,kadib ku kale,marba mid baa la ii amaanaa, mar mid Yemani ah oo Sanca jooga, kolkaan kasoo noqdo ee geeduhu isoo siiyo waxba iitari waayaan hadana mid sacuudi ah oo riyadh jooga, hadana mid Urduni ah hadana mid Suuriyaan ah, lacagtii baa iga dhamaatay xitaa dahabkeeygii ban iibiyay,wadaadadii way iwaaleen, qaar waxay igu yidhahdeen suuratu Albaqaro hal rakaco ku tuko, rakacad kalana Suuratu Alla Cimraana rakacada labaad ku tuko, Sheekh kale oo suuriyaan ah wuxuu igu yidhi: Biyo Samsam ah jidhka halagugu meeydho, mid kale “bada hala geeyo oo haku soo dabaalato”, mid kale wuxuu yidhi: geedka seytuunka hoos fariiso, waxaas oo dhan wax way iitari waayeen, waanan ku daalay.

Inankeeygii yaraa marba marka kasii dambeeysa wuu sii korayaa waxaanu iiigala socda indhaha ,waxaanu dareemayaa xanuunkeyga, Soowjkeeyga wuxuu ahaa nin samir badan, waxaanu iimuujiyay dadaal badan, xitaa wuxuu gaadhay aroortii markuu shaqo tegayo inu madbaqa galo oo uu midiyaha yaalo uu ka qaado isagoo ka baqaya inan isku dilo, dadka ehelkeeyga qaar markay arkaan midabkeeyga doorsoomay iyo uskaga isaaran way iga carareen iyagoo ii arkaya inan waashay, hooyadeey kheyr allaha siiyo waxay aheyd islaan waayeel ah, way marooro dilaacday markay i aragtay anigoo shamaca cunaya, sidoo kale sodohdeey waxay aheyd islaan weyn oo baariyad ah oo naxariis badan.

La Soco Qeybta 3aad. Alla Mahad Leh. Turjume: QoraaUstaad Asad MuuseAsad Muuse Kibaar Email: asadmuuse03@hotmail.com Telephone: 063-4453653 Boorama – Somaliland