QM oo ka digtay Cawaaqib xumo ka dhalata dib u dhac ku yimaada Doorashada Soomaaliya

0
332

Ergayga gaarga ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyadu ay xooga saaraan sidii loo dhameystiri lahaa hawalaha ka harsan doorashooyinka dalka inta ka harsan sanadka soo socodka ee 2017.

War qoraal ah oo u soo saaray Mr Keating ayuu ku sheegay in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda Soomaalida dhawaanahanba uga arinsanayeen aayaha siyaasadeed ee dalka uu dhici doono 7-da bosha Desember ee maalinta berito ah.

Shirkan oo ay ka qeybgeli doonaan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee saaxiibada la ah dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dadban looga baahan yahay iney si degdeg ah u ansixiyaan xubnaha lasoo doortay ee Aqalka sare iyo kuwa Aqalka hoose si ay u doortaan Madaxweynaha.

Michael Keating ayaa sidoo kale ku baaqay xalinta muranka ka dhashay qaabka loo qeybsanayo xubnaha Aqalka sare ee Somaliland ay barbar socoto habsami u socodka doorashada si aanu hakad u iman.

Warsaxaafadeedkan ayuu ku sheegay iney ula muuqato dib u dhac ku yimaada doorashadaasi qorsheysneyd sanadkan 2016 ay saameyn sun ku yeelan doonto Soomaaliya isla markaana ay dhaawacayso sumacada hannaanka doorashada.

Taasoo wiiqi doonta awooda ay deeq bixiyaasha iyo dalalka taageera ay u leeyihiin in ay Soomaaliya ka taakuleeyaan dhibaatooyinka horyaala ee dhinaca nabadgelyada,dhaqaalaha iyo horumarinta.