Qodabadda Aynu Muuse Biixi Ku Dooran Karno!

0
452

Qodabadda Aynu Muuse Biixi Ku Dooran Karno!
Bulshada soomaalilaand waxay kaga nasiib badan yihiin waddamo badan oo ku yaala dunida ama qaarada madaw hanaanka xisbiyadda badan iyo doorashada ay u helaan in ay usha u dhiibtaan ciddii ay ka maaransan waayaan in ay hogaamiso.
In kasta oo ay wali jiraan duruufo dhaqan haddana waxa geedi socodkaasi marayaa meel uu taabo qaad yahay, si kasta ba arrimuhu ahaadeena sida aynu wada sugayno waxa bulshada iyo waddanka ba haysa laydha doorashada hogaankii hayaanka halka maanta la jooga hore uga sii dhaqaajin lahaa.

Sidii dhaqanka doorashada ahayd waxa bulshada horteeda iska soo xaadirinaya saddex musharax oo ku kala faylsan saddexda xisbi qaran sidaas oo ay tahay Muuse Biixi isagu waa musharaxa kaliya ee wakhti xaadirkan taagan garoonka lagu dheelayo ee bulshadu garsoorka ka tahay.

Waydiinta ugu weyn ee ay tahay in bulshadu ay ka duusho ayaa ah kartidooda hogaamineed.
Haddaba waxa aynu qormadeenan ku eegi doonaa dhawr qodob oo bulshadu ku dooran karto musharaxa xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hogaamiyaha waxa inta badan looga baahan yahay in uu leeyahay karti curineed oo uu jawiga la joogo mid ka horeeya ku curin karo, sidaas oo tahay Muuse waa hogaamiye leh curin fikirado cusub waxaana taas marag ahaan ugu filan jidka dheer ee u soo maray xisbiga kulmiye ee uu ka sharaxan yahay oo ay uga soo horeeyeen siyaasiyiin badan oo damac ka hayay in ay talada dalka u tartamaan.

Samirku waa mid ka mid ah tiirarka hogaamiyaha suuban, waana furaha hore loogu talaabsado sidaas darteed marka aad milicsato sooyaalkii dheeraa ee uu soo maray musharaxnimada waxaad ka halacsanaysaa in uu leeyahay samir iyo adkaysi uu duruufaha kaga gudbo adiga oo aan meel fog eegin markaad jaleecdo duruufihii qalafsanaa ee kala kulmay xisbiga kulmiye shantii sano ee ugu dambaysay iyo sida uu uga soo gudbay ayaa marag u noqonaysa.

Go’aan qaadashada aan labac-labac ku dhisnayn waa halka hogaamiyayaashu isku dhaafaan, hogaamiye kasta oo magac iyo taariikh diwaanka gashay sameeyay waxa bud-dhiga u ahaa go’aan qaadasho aan ahayn ciir-ciir, tartamayaasha maanta jooga Muuse Biixi waa mid kaga duwan go’aan qaadashada mana ah mid tijaabo u baahan kaliya waxa innagu filan in yar oo aynu milicsano hirdankii qadhaadhaa ee ka dhacay cida talada musharaxnimo xisbiga kulmiye ka noqonaysa iyo go’aankii qadhaadhaa ee maalintaas qaatay ! taas oo aanay maanta cidna daah ka saarnayn.

Si uu hogaamiyuhu u sameeyo is badal muuqda wuxuu u baahan yahay in yeesho dhiiranaan uu ugu badheedhi karo jabinta darbiyada hor taagan in uu is badal dhaco, inta badan marka Muuse loo dhabo galo waa mid ka mid ah astaamihiisa nololeed dhiiranaantu waana qodob aynu baahi weyn u qabno si halka la joogo looga sii dhaqaaqo.

Xogogaalnimadu waa qodobka keena in uu hogaamiyuhu garto halka la joogo, halkii laga soo dhaqaaqay iyo halka loo socdo, taas darteed Muuse waa mid uu aad ugu suntan yahay xogogaalnimada dal iyo deegaan oo uu aqoon durugsan u leeyahay wuxuu si wanagsan ugu dharagsan yahay duruufihii hore, kuwa maanta jooga iyo kuwa laga filan karo mustaqbalka, sida oo kale wuxuu ka dharagsan yahay waxyaabaha dib u dhaca bulshadeena u keena iyo wixii sareedada lagu soo gaadhay kuwaas oo ah arrimo leh miisaankooda.

Si ay aragtida hogaamiyuhu meel mar u noqoto waxa laga maar-maan ah in ay jirto khibrad siyaasaddeed uu ku dabaqo aragtidiisa taasina maanta Muuse wuxuu ka mid yahay dadka siyaasiyan inoogu khibrada badan sooyaalkiisa nololeed na wuxuu ku qaatay oo aad ula falgalay arrimaha siyaasaddeed waana mida maanta wax badan ka caawisay ee uu kaga soo gudbay caqabadihii soo wajahay waana ta uu kaga soo dhex baxay raggii garbaha ku riixayay ee ay waddada ugu baneeyeen.

Talo qaadashada iyo wax is waydiinta ku dhisan dood wadaagu waa baalasha uu ku duulo hogaamiyaha hiraalka leh waana mid laga helo fikiradaha caafimaadka qaba, sumadaasina waa mid laga filan karo Muuse Biixi maadama uu jecel yahay talo qaadashada ku dhisan dood wadaaga iyo fikirka oo la isku qanciyo balse arrimuhu aanay noqon kuwo duuduub lagu liqo.

Qodobadan aynu kor ku xusnay iyo kuwa kale ee ayaan xusin ba marka aynu eegno waa kuwo aynu baahi weyn u qabno bulsho ahaan iyo dal ahaan si aynu talaabo taaba qaada hore ugu qaadno .

sidaa dateed maanta Muuse Biixi waa mid leh sifooyinkaas iyo qodobadaas aynu soo xusnay waana qodobo runtii ay bulshadu ku dooran karto.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@mail.com