Qodobo Muhiima oo ka soo baxay Shir u socday Xukuumadda iyo Beel ka mida beelaha Dega Gobolka Sool oo la soo xidhay maanta

0
927

Shir ay isugu yimaadeen wafti ka socda xukuumadda somaliland iyo  beesha bahararsame ee degta koonfurta gobolka sool oo laba cisho uga socda magaalada caynabo ayaa maanta lasoo gabagabeeyey waxaana laga soo saaray qodabo muhiima.

Caynaba(Warsugannews)Shirkan u dhaxeeyey xukuumadda somaliland iyo beesha bahararsame ayaa ka koobnaa  wafti xukuumada ka socda oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha somaliland cali maxamed warancade oo ay weheliyaan wasiirada madaxtooyada, maxamuud xaashi cabdi, Wasiirka dib-u-dajinta Cali Siciid Raygal iyo wasiir ku xigeenka wasaarada kalluumaysiga, dhanka beesha bahararsame ee koonfurta gobolka soolna waxa hogaaminyey Raage Garaad C/qani Garaad Jaamac Garaad Cali.

Shirkan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo saxaafadu dibada ka joogtay ayaa waxa uu mudo laba cisho ahba ka socday magaalada caynabo ee xarunta gobolka sool, kulankaasi laba geesoodka ahaa ayaa maanta laga soo saaray war murtiyeed warbaahinta loo akhriyey, qodobadaasi oo uu saxaafada u akhriyey wasiirkii hore ee caafimaadka somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe)  waxay u dhignaayeen sida tan.

  1. IN QARANIMADA SOMALILAND LAWADA ILAALIYO, LAGANA WADA SHAQEEYO TAABA GALINTEEDA IYO MEEL MARINTEEDA.
  2. IN AMNIGA GOBOLKA DEEGAANKA BEESHA IYO GUUD AHAANBA DALKA LAWADA XOOJIYO BEESHA IYO XUKUUMADDA MID WALBA QAYBTEEDA KA QAADATO.
  3. IN ARRIMAHA BULSHADA SIDA CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, BIYAHA, DEEGAANKA BEESHU DEGTO DAWLADDU SI HAGARLI AH WAX UGA QABATO HORUMARINTOODA
  4. IN MAAMULKA DAWLIGA AH IYO AMINAGABA LAGU FIDIYO DEEGAANKA BEESHU DEGTO
  5. IN LAGA WADA SHAQEEYO ISKU XIDHKA NABADAYNTA IYO WALAALAYNTA BEELAHA DARISYADA AH IYO GUUD AHAAN BEELAHA SOMALILAND  WIXII CARQALADAYN AHNA MEEL LOOGA SOO WADA JEESTO
  6. ARRIMO GAARA OO BEESHU SI GAARA UGA TIRSANAYSAY XUKUUMADAN WAA LA ISAGA GARAABAY WAA LAGA HESHIIYEY WAAN LAGA BALAMAY WAXA KA QABASHADOODA

Gabagabadii shirkaasi waxa ka Hadley Raage Garaad C/qani Garaad Jaamac Garaad Cali Oo hogaaminayey odayaasha beesha  koonfurta gobolka sool, ayaa sheegay in ay xukuumadda somaliland ka heshiiyeen dhinacyada siyaasada, amaanka iyo waxqabadka, waxaanu balanqaaday inay dhinacooda ka adkayndoonaan heshiiskaasi, xukuumadana waxa uu kula dardaarmay inay fulinteeda kasoo baxdo.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Warancade oo gabagadii kulankan ka Hadley, ayaa sheegay  in isku imaatinkan uu yahay wax illaahay loogu mahadnaqo ma-adaama oo laga wada tashanaayo wanaag iyo sidii la iskugu duubnaanlahaa dhinacna looga soo wada jeedsan lahaa wixii carqalad ah ee amni iyo horumarba ku yimaada.

Wasiirka ayaa sheegay in ummadda reer Somaliland ay ku caano maashay  inay arrimahooda ku dhamaystaan wada hadal, waana mida buu yidhi aynu maanta ku dhaano wadamada dariskeena qaarkood, caalamkuna inagu majeerto sida aynu nabadeena u ilaashanayno ugu danbayntiina waxa uu balan qaaday in dhankooda xukuumad ahaan ay fulindoonaan qodabada shirkaasi kasoo baxay, waxaanu kula dardaarmay odayaasha kulankaa joogay iyo shacabka somaliland guud ahaanba in nabada iyo horumarka lawada ilaaliyo.

Shirkan oo ku soo xidhmay jawi wanaagsan iyo farxad waxa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiiradii safarka ku wehelinaayey.

1 2 3 4 5 12464841_941579155923862_971206520_o 12465621_941580262590418_426247657_o 12470918_941580255923752_1755440272_o 12476821_941577905923987_1334445671_o 12482796_941587465923031_1668327850_o 12482842_941587412589703_700679501_o 12483011_941579352590509_63372939_o