Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar Oo Qoraal Qiiro Leh Oo Dad Badan Ka Ilmeeysiiyay Ku Qoray Bartiisa Uu Ku Leeyahay Facebook.

0
465

Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar ayaa waxa uu bartiisa Facebook ku qoray qoraal qiiro leh oo aad uga ilmeeysiisay dad badan. Qoraaga oo hadalkiisa bilaabay wuxuu yidhi: “Muslimnimada kadib qoowmiyad soomaali layidhaado oo taariikh fac-weyn iyo dhaqan iyo akhlaaq leh inuu ilaahay iga dhaliyay ayaan ugu mahadnaqaa. Waayo soomaali dad ka wanaagsan oo jeclaan lahaa inuu ilaahay iga dhaliyo ayaaban jirinba.

Waxaan ahay anigoo is amaanid aan dan ka laheyn Nin kasoo jeeda galbeedka soomaliland oo aqoonyahan ah, dareensan soomaali wixii ku dhacay ee qax iyo qaxooti iyo wadamo shisheeye inay isku dhiibeen iyo colaad iyo qabyaalad dhexdooda ay iskula kaceen iyo isdil kadib midowgii lagu baadi goobayay 1960, 5tii soomaaliyeed ee fashilmay ee laga dhaxlay kala qoqob iyo waxaan la maleeysaneyn, hadana soomaalidu meelkasta ha joogtee waa dad gob ah oo karaama leh oo weliba nool, dhul wanaagsan iyo kheyraad badana ilaahay-ba kumaneeystay.

Hadaba siyaasad iyo maamul lagu heshiin waaye waxan kula talinayaa qolo kasta halkeega walaalnimada ha adkeeyso, halkay joogtana dhulka ha ku foorarsato oo kheyraadka hala soo baxdo, cadowgana ha iska ilaaliso, diinta iyo dhaqanka ha adkeeyso oo caruurta ha barto.

Walaalaha koonfureed waxaan si gaar ah uleeyahay war niman-yahoow heshiiya, dadka way isdilaan waanay heshiiyaan gebigiina isku mid baad tihiin walaalo ayaa tihiin waxaa doontaan isku sheeg sheega dhamaantiin muslim bad-tihiin anagana walaaladiin baan-nahay oo idiinkama adkeeysan karno oo kama aamusi karno dhibta idin haysata iyo sida leydinla maagan yahay, hada 10 sano way noqoneeysaa inta ciidamo afrikaan ah oydan isku diin iyo isku dhaqan aheyn idiinku dhex-jiraan ee ay idiin kala ilaalinayaan ee madaxdiinana loogu mana sheeganayo anaga ilaalina.

War hooy rag noqda oo caqli yeesha oo dantiina garta askeriga Ugaandhayska ama Burindi ka yimid ee 10 sano sheeganaya inuu idin ilaalinayo ee ad dalkiina magan uga tihiin ee aad hoos fadhidaan ma ilaahay ba idiin baday, Maya doqonnimadiina idin baday, maanta askeriga afrikanka ah ee 10 sano idiinla joogay Af-Soomaaligii-bu bartay, qaar kamid ah dumarkiinay guursadeen oo uma diidi kartaan, ubad abti loo yahay ayuu dhalayaa, wadanka ayaan xoreeyay oon udhintay oo halgamaa baan ahay ayuu odhan doonaa,taariikhda iyo dhaqanka ayuu soo geli doonaa, taa waxay keeni doontaa in wadanka leydiinka qaato.

20-kun oo askeri iyo ka badan-ba soomaaliya joogta, markay dareeyska dhigaan ee ay ehelkooga uyeedhaan 100-kun way gaadhi doonaan, arintaa waxaa idiin-kaga Rejo dhow Al-shabaab ood uyeedhataan ood kasoo celisaan duurka ay galeen waayo? waa ilmihiina oo la qalday oo cadow leydiinka dhigay, iyaguna waa dhiban yihiin oo waxa leeyneya diyaaradaha mareeykanka, idinkana taangiga afrikaanka idin leeynaya, wadankiina farahiina wuu ka baxayaa anagana waxba idinma qaban karno dunidiina ictiraaf waan ka la’nahay oo idiinma soo gurman karno, waxaanan ognahay hadii wadanka leydiinka qaato anagana inaan idinku xigno oo aan halis ku jirno, ninka walaalkii loo xiiroow adna soo qoyso. Alla Mahad Leh”.