Qormo-Saxaafadeed Calaamadaha Codka Saafiga ah, W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
683

Qormo-Saxaafadeed Calaamadaha Codka Saafiga ah, W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ka hor intaanad ka tegin goobtii aad codka ka duubtay, hubi in waxaad duubtay yahay wax sax ah iyo inaad cajalad madhan duubtay. Weriyeyaal badan ayay ku dhacdaa arrintani. Adigoo hawl culus galay hadana inaad fara madhnaan la soo noqotaa waa ceeb, laakiin hadday kugu dhacday waayo-aragnimo ahaan u qaado, oo yaanay dib kuugu so noqon. Ka codso qofka aad codka ka duubtay amma la-waraystaha inuu ku yara sugo intaad hubinaysid codka. Markaa dib u yara celi adigoo adeegsanaya xadhiga dhagaha, haddii cododku saafi yihiin iska fasax la-waraystaha una mahadceli.

Astaamaha codka saafiga ah Caadi ahaan istuudiyaasha waxa loo dhisaa amma lagu dejiyaa walxo aan soo celin codka weriyaha iyo la-waraystaha. Taasina waxay meesha ka saaraysaa shanqadhii amma codkii dibada ka soo gelayay. Dhibta ugu weyni waa codka soo noqonaya(echoes). Astaamaha codka saafiga ah lagu garto amma lagu qiimeeyo waxa kow ah inaanay jirin guux iyo cod ku soo noqonaya.

Goobta aad wax ku duubaysid Markaad tegtid goobtii aad shaqada ka soo qabanaysid waxaad samaysaa sahamin ah inaad dhinac kasta ka eegtid shanqadhaha soo dhacaya ee geli kara codkaad duubaysid. Way yar yihiin goobaha aan lahayn shanqadh xitaa cida shimbiraha ha noqotee. Markaad ka baarandegto shanqadhihii waxaad u gudbi kartaa bilaabida hawshii aad u socotay.

Noocyada Rikoodhada

Noocyada Rikoodhadu way badan waanay kala duwan yihiin. Balse kuwa ugu caansan uguna isticmaalka badan ayeynu eegi doonaa.

ØSonay Walkmanwaa Rikoodh ah nooca cajalada la geliyo, waana kan ugu jaban. Rikoodhadani waxay duubaan wax kasta oo shanqadh soo gasha xittaa shanqadha ay samayso cajalada ku jirta.

ØDAT (Digital Audio Tape)waa Rikoodh xoog loo isticmaali jiray beri hore, basle imika aan sidaasi loo isticmaalin. Tayadoodu way fiican tahay, laakiin waxa ku badan cilada. Inta badan waxa ku dhega CD-Yada oo waxay keenaan cilad badan.

ØSony Minidisk (MD)waa Rikoodh aad caan u ah oo tayadiisu sarayso. Waa dhijitaal farsamo fiican oo awood u leh inuu wakhti badan wax duubo. Wuxuu leeyahay qaab waxa lagu tifaftire karo amma jarjaris.

ØCouriter waa Rikoodh aad u tayo sareeya oo duuba cod fiican. Waana dhijtaal, oo gudaha ku duuba codka. Sidoo kale wuxuu awood u leeyahay in waxa lagu tifaftiri karo. Rikoodhkani wuuu miisaan culus yahay, waayo waxa ku jira cajalad weyn(Hard Disk).

ØFlash Memorywaa aalad yar oo dhuuban oo sida Rikoodh wax u duubta. Waxay duubtaa cododka waana lagu keydsan karaa, ka dib waxa lagu xidhaa amma lagaga shubtaa Kombuyuurtarka.

Heerarka codka

Rikoodha ay isticmaalaan suxufiyuuntu waxay leeyihiin heerka codka loo duubo(Volume Levels), si codka naaquska ah iyo kan sare loo duubi karo. Haddii heerka codka la dalaco waxa rikoodhkii ku badanaya shanqdhaha iyo guuxa, haddii heerka la naaquso waxa yaraanaya shanqadhaha iyo guuxa. Rikoodhu waxay leeyihiin laba nooc oo heerka duubista. (1) mid qofku maamulayo kolba waxa loo baahan yahay amma la dalaco amma la naaquso. (2) mid iskii isku bedel (Automatic Gain Control). Kan iskii isku bedelaya (AGC) wuxuu u shaqeeyaa inuu kolba hoos u dhigo amma dalaco wixii la duubayo. Kan gacant lagu maamulayo wuxuu kolba joogsanaya meeshii la geeyo heerka.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

BBC World Service Training Handout

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here