Raashinkii Madaxweyne ku xigeenku lahaa waan qaybiyey muugaadhin dadkii abaaruhu saameeyeen

0
324

Hargeysa (Warsugannews)-Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in la musuqay raasin uu madaxweyne-xigeenku qaybiyay oo loogu tallo galay dadka ay abaaruhu aafeeyeen ee gobalka Selel. Waxa kale oo uu dhaliilay socdaal ay laba wasiir ku tageen deeganadaas.

Xldhibaan Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya waxa uu sheegay in mucaawimo loogu talagalay dadka abaaruhu hayso in sidii loogu talagalay aan loo bixin, oo la musuqay, waxaanu ugu horeyn yidh “Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Dib u dejinta ayaa deeganada Lughaya iyo Saylac tagay, iyaga oo yidhi waxa aanu u kuurgalayaan abaarta jirta iyo baahida taala, dadkiina markii ay maqleen wasiiro gawaadhi cad cad wata ayaa imanaya ayey hanaqa la soo kaceen, balse wey ku hungoowbeen, oo waxa alaale waxa ay wadeen may jirin, waxay se ahayd in marka hore Wasiiradu kooxo xaqiiqi raadin ah oo soo ogaada baahida jirta in iyana waxa ay markaas helaan ay geeyaan, wax alaale waxa Wasiiradu ay u geeyeena ma jirto, deegaankana waxa ka taagan dhibaatooyin aad iyo aad u fara bada, muddo aad u dheerna roob kamuu da’in, abaartuna waxa ay ugu daran tahay Osoli ilaa iyo Cali Xaydh ilaa iyo Karuure, inay Wasiiradu baabuur cad cad qaatan oo dadka jilicsan sidaas ugu tagaan may ahayn, ugu yaraan in iyaga oo wuxuun sida inay u tagaan ayey ahayd, ”.

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlaayey Raashiin uu Madaxweyne ku xigeenku u qaybiyey Goboladaas abaartu ka dhacday ayaa yidhi “Rashiinkii uu Madaxweyne ku xigeenku uu lahaa waan qaybiyey ma gaadhin dadkii ay abaaruhu saameeyeen, haddii ay gaadhayna waa la far bidixeeyey, oo sida loo bixiyey ayaan si quman ahayn, in dad jilicsan oo baahan wax loo bixiyo ayaa meesha ka maqnayd”.

Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye ayaa dhanka kale amaan balaadhan u soo jeediyey Maareeyaha Dekada jabuuti Abubakar, oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarkii uu ku yimid Saylac, gaar ahaan Dekada Saylac, iyo sida oo kale balanqaadka uu sameeyey, waxaanu xusay in Dekada Saylac laga helayo shaqo abuur, waxaanu sidoo kale Dawladdaha Somaliland iyo jabuuti ka codsaday in Abaaraha laga wada qayb qaato, oo dadka jilicsan waxa lala qabto.

Xigasho Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here