FARIINTII QURUXDA BADNAYD: Waa maalin khamiis ah shaqadana waxaad moodaa inay kabadan tahay intii uu qaban jiray mustafe

0
679

FARIINTII QURUXDA BADNAYD: Waa maalin khamiis ah shaqadana waxaad moodaa inay kabadan tahay intii uu qaban jiray mustafe

Waa maalin khamiis ah shaqadana waxaad moodaa inay kabadan tahay intii uu qaban jiray mustafe shantii casho ee ka horeeyay wuxuu ushaqaynayaa si aan caadi ahayn kursiga uu kufadhiisto oo ah mid kasamaysan looxaan la isku rakibay oo aan raaxaba lahayn intuu kufadhiyaaba way yartahay sababtoo ah mustafe wuxuu iibiyaa geedka QAADKA. Qofkii arkay baa arkaye maalinta khamiista magaalada hargeysa qaadka waxaa looga iibsadaa si aan caadi ahayn wadooyinka qaar ayaa xidhma oo baabuurtu istaagtaa markuu qaadku soo dhaco saacadaha kulul ee duhurka qaadka ugu caansan ee uu iibiyo mustafe waa qaadka looyaqaano AABAA YAABAY kaas oo ay iibsadaan dadka jeebkoodu meel dhexadka yahay oo qiimihuusuna yahay $2.

Mustafe waa wiil xaasle oo caruur leh telefoonkiisa qofka kaliya ee soo garaacaa waa gabadha uu qabo iyo dhawr qof oo ehelkiisa kamida ama dadka ay danwadaagta yihiin ee shaqadu kadhaxayo, intii uu xaaska yeeshay oo kudhow mudo sadex sano ah mustafe FARIIN aan ka ahayn ka shirkadu xayaysiiska udirto muu arag loomana soo dirin. Siduu shaqada ugu jiray ayaa waxaa markaliya kusoo dhacay FARIIN aad loo qorxiyay oo ereryo macaan oo jacayl ah ay kabuuxaan kana yimi ruux dumara hase yeeshee aanu isagu garanayn . inastoo uu woxoogaa kuyara mashquulay hadana wuu iska dhigay oo shaqadiisa ayuu iska sii watay.
Kolaygii markuu kadhacay ee saxmadii dadku kayaraatay ayuu marlabaad akhriyay FARIIN tii waxaanu aad uga helay ereyada kuqoran intaa kadib markiiba wuxuu bilaabay inuu ku baadho zaadka si uu ugarto qofka soo diray inuu dumar yahay iyo inuu nin raga yahay wuxuu arkay in FARIINTU ka timi qof dumara oo layidhaa RAAXO CUMAR, kaba sii darane magaca gabadha ayuu aad ula dhaygagay, mirqaankiina wuu tusay isna FARIIN kale ayuu ugu jawaabay oo aad uqorxoon waa halkay balaayaduba karaacday wiilka.
Mustafe wuxuu ahaa nin aan inta badan ilaalin tell kiisa gacanta markuu gurigiisa tago miiska dushiisa ayuu iska saari jiray marmarka qaar xaaskiisa uuqabo ayaaba isticmaali jirtay oo dadka kala hadli jirtay maadaama keeda aanay lacag badan kuba shuban, markaliya ayuu mustafe ku war helay xaaskiisii oo tell kiisa gacanta haysa oo rabta inay qof kala hadasho, si hubsasho la,aana ayuu uyidhi ma FARIIMAHA ayaad akhiranaysaa?!! Xaaskiisii waxay iyadoo yaaban ugu jawaabtay maya ee qofbaan rabaa inaan kala hadlo.

Markii hadalkii ay dhamaysatay xaaskiisu ayuu mobile kii oo ay miiska saartay haf layidhi oo jeebka dambe oo aanu waligiiba galin uu kuriday, sidagdaga ayuu dibada ula baxay wuxuu furay FARIIN Tii raaxo usoo dirtay , dibnihiisa ayuu qaniinay ereyada amaanta leh ee kabuuxa FARIIN ka hadana wuxuu is tusay iyadoo xaskiisu aragtay oo akhriday wuxuu markiiba tirtiray FARIIN Tii gabadhu usoo dirtay waxaanu ku noqday qolkiisii hurdada, sidii caadada ahayd miiska dushiisa ayuu iska saaray.
kudhawaad waa 12 AM ama saqdhexe waxaa soo dhacay FARIIN xayaysiis ah oo shirkadu soo dirtay, intuu sariirtii kazoo booday ayuu markiiba furay FARIIN Tii inkastoo xaaskiisu huruday hadana wuxuu ka warwar qabay in raaxo FARIIN kale usoo dirto, markuu arkay inuu FARIIN Tu ka Timi shirkada ayuu nafisay markaasuu mobile kiiba damiyay.

Sadex maalmood markuu jog iyo jiifba diiday ee kolba FARIIN cusub oo raaxo ka timi kusoo dhacdo oo raaxo usoo dirto uu kolba masaxo ayaa naftii isugu timi, wuxuu go,aan ku gaadhay inuu raaxo runta usheego oo yidhaa walaaley , xaas iyo caruur ayaan leeyahay adigana kuma qaadi karee inabad gali!!!
FARIIN aad uqurux badan oo uu kashaqeeyay oo calaacal iyo waano isugu jirta ayuu gabadhii udiray kaasoo sheegaya inaanu raali ka ahayn FARIIMAHA ay usoo dirayso jacaylkeediina ay la laabato hadii ay FARIIMAHAAS joojin waydana wuxuu balan ugu qaaday inuu shirkada kadacwayn doono.

Gabalkii markuu dhacay ayuu gurigiisii aaday sidii caadada ahayd wuxuu lakulmay soo dhawayn aan hore loogu samayn jirin casho aad uhabaysan oo aanu baryahaa cunin, udug iyo uunsi iyo xaaskiisii oo aad moodo aroosad cusub oo koofeerka dumarka timaha loogu dhiso mardhawayd kasoo baxday , mustafe wuu yaabay , caawa maxaa dhacay !!
heer wuxuu gaadhay uu aqoonsan waayo xaaskiisii ileen waabay isbadashee oo tin ilaa cidhib way dhalaalaysaaye.
Qolkiisii hurdada ayuu fadhiistay kalgacal saa,id ah ayuu dareemayaa caawa mustafe kolba wuxuu leeyahay naa heedh bal wax isheeg maxaa inoo soo kordhay anaa kuusheegi doonee bal horta cashee ayay xaaskiisu ugu jawaabtay markuu casheeyay ee dhargay ayaa xaaskiisii ku tidhi mobile kaaga iidhiib kadibna wuu udhiibay waxay ku tidhi waxaan kuwaydiiyay mataqaanaa RAAXO CUMAR markaliya ayuu naxay oo ilba saxni leekaatay, markaasuu yidhi maya maxaa ibaray waxay ugu jawaabtay waxaa kubaray mobile kaaga RAAXO CUMAR waa aniga!!!

Ninkii mustafe ee naxsanaa markaliya ayuu qosol lajeestay wuxuu qoslayay in kudhow nusasaac,siduu uqoslayay ayuu ilmeeyay, sababtoo ah soomalida ayaa waxay tidhaa CIIL AAN KAA QOSLIN CIILBA MAAHA
DULUUCDA SHEEKADU WAA (SIR NAAGEED LAGAMA SALGAADHO)