Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami oo Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah

0
406

Rabshado Xalay ka Dhacay Xaafadda Daami oo Sababay Dhaawaca Wiil Dhalinyaro ah

Hargaysa (Warsugannews)- Rabshado maal-mahan ka socday Xaafadda Daami oo ka tirsan Degmada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo sababay khasaare iskugu jiraa dhaawac sahlan iyo mid Culus, kadib markii Kooxo dhalinyaro oo Xaafadda wada tirsani isku weerareen Aalaado iskugu jira Budhaadh, Mindiyo, Faashash iyo dhagxaan.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee uu salka ku hayo weerarkan gacanka hadalka ah, hase-yeeshe goob-joogayaal ka ag-dhowaa goobta shaqaaqadu ka dhacday, ayaa sheegay in Habeenimadii Xalay aanay rabshado badani ka dhacin halkaas, Balse xoogga Qul-qulatooyin ah oo Xalay dhacay uu ku dhaawacmay Wiil dhalinyaro ah.
Wiilka ayaa sida wararka lagu sheegay dhaawaciisu yahay mid Fudud, isla markana lagu daweynaayo Cisbitaalka Guud ee magaaladda Hargeysa, sidoo kale, waxay goob-joogayaashu xusey Wiilkan dhalinyarada ahaa ee dhaawacu soo gaadhay inay Walaalo yihiin Fanaanka Maxamed Cige Busi. Hase-ahaatee ma jirto cid sii dhab ah u xaqiijineysaa arrinka.

Warsugannews/Hargeysa Somaliland Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here