Raiisal Wasaaraha dalka Jarmalka Merkel: Argagaxisadu khatar bey nagu hayaan

0
732
Germany's Chancellor Angela Merkel speaks during a news conference at the European Council building at the end of an euro zone leaders crisis summit in Brussels July 21, 2011. REUTERS/Eric Vidal (BELGIUM - Tags: POLITICS BUSINESS)

BERLIN – Raiisal Wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in argagaxisada ay tahay caqabada ugu weyn ee dalkeedu xiligan uu wajahayo.

Angela Merkel ayaa fariinteeda sanadka cusub u dirtay shacabkeeda,waxayna arrintan la xiriirisay weerarkii ninkii reer Tunisia uu gaariga dadka ku jiirsiiyey magaalada Berlin ee dalkaas.

Weerarkaas oo ka dhacay suuqa Breitscheidplatz ayaa waxaa ku dainty 12 qof halka 49 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa ay sheegtay Angel Merkel iney markey aragtay in falalka argagaxisanimo ay geysanayaan dad magangalyo ka dalbaday dalkeeda Jarmalka ay aad uga xumaatay.

Raiisal Wasaaraha dalka Jarmalka ayaa ka digtay in dhammaan dadka lala xiriiriyo argagaxisada in shacabkeedu u naxariistaan ee dadka aan waxba galabaan.