Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Oo Ka Digtay In Dawlada Itoobiya Mudaharaadayaasha Xoog U Isticmaasho

0
447
German Chancellor Angela Merkel, left, is welcomed by Ethiopia's Prime Minister Hailemariam Desalegn, as she arrives at the national palace in Addis Ababa, Ethiopia Tuesday, Oct. 11, 2016. Merkel is visiting Ethiopia, where her meeting with Prime Minister Hailemariam Desalegn is expected to focus on the country's newly declared state of emergency, after months of protests demanding wider freedoms, and other issues including migration. (AP Photo/Mulugeta Ayene)

Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Oo Ka Digtay In Dawlada Itoobiya Mudaharaadayaasha Xoog U Isticmaasho

Hargeysa(WSN)Ra’iisalwasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, oo maanta booqasho ku tagtay Itoobiya ayaa uga digtay masuuliyiinta dalkaasi inaysan u isticmaalin xoog xad dhaaf ah dadka banaanbaxaya.

Mrs Merkel ayaa hadlaysay ka dib markii ay wadahadal kula yeelatay Addis Ababa ra’iisalwasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah Axadii.

Boqolaal qof ayaa la dilay kadib rabshado ka dhashay banaanbaxyo ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka ugu badan waddanka.

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameeyo eedeymaha ay soo jeediyeen mucaaradka ee xooga boliiska uu u isticmaalay dadka mudaaharaadaya.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Jarmalka, ayaa sheegtay inay Mrs Merkel la kulantay wakiilo ka socday mucaaradka iyo bulshada rayadka.

Mrs Merkel, ayaa doonaysa in hogaamiyayaasha Afrika ay wax ka qabtaan dadka faraha badan ee u soo haajiraya Yurub si loo joojiyo dadka qaxootiga ee Yurub imanaya.