Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda degaano ka tirsan Mudug iyo Sool

0
361

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda degaano ka tirsan Mudug iyo Sool

Muqdisho(Warsugannews) September 27, 2015—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa baaq nabadeed u diray kaasoo ku aadan joojinta colaada ka aloosan deegaanada Qorilay, Magaclay iyo dhulka Howdka oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Sool. waxaana uu u jeediyey beelaha walaalaha ee dirirtu dhexmartay inay joojiyaan colaada isla markaana ka shaqeeyaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka walaalaha ah ee deegaanadaas ku wada dhaqan.

“Waan ka xumahay dagaallada ka dhacay deegaanada Qorilay iyo Magaclay, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah ay dagaalka ku joojiyaan. Dagaal wiil-baa ku dhibta ee wiil kuma dhasho. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneyn, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, hadana waxaan hiigsaneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan”. Ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas raaciyay in khadka telefoonka uu kula hadlay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka dhinacyada dagaalamay isla markaana ay ka aqbaleen in ay khilaafka ku xalin doonaan wada xaajood, waxana dhiiri geliyey cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baajin lahaa dhiig kale oo daata.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay qaraxii dhawaan ay kooxaha nabadda argagixisadu ka geysteen halka laga soo galo ee xarunta Madaxtooyada qaranka, isagoo tacsi u direy ehellada dhammaan dadkii weerarkaas ku dhintay, caafimaadna u rajeeyey cid walba oo gacanta argagixisada ku dhaawacmay. Iyadoo uu shacabka Soomaaliya ugu baaqay meel in ay uga soo wada jeestaan cadawga ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay safar uu maanta ugu ambabaxayo magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka jeedin doono khudbad. Isagoona sidoo kale ka qayb galaya shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya kaasi oo ka dhici doona dalka Mareynaka, wuxuuna rajo ka muujiyay in shirkaas ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah danaha iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaab satay horumar kala duwan dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, wuxuna hoosta ka xariiqay muddo gaaban gudahood in lagu soo dhamaystiri doono maamuulada dhiman sida Hiiraan iyo Shabellaha dhexe, iyadoo loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada ee labada gobol.

—Dhammaad—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here