Raila Odinga Oo Ka Hadlay Taageeradda Uu u Hayo Somaliland

0
389

Raila Odinga Oo Ka Hadlay Taageeradda Uu u Hayo Somaliland
“Annigu Shaqsiyan Si Weyn Ayaan u Taageeraa Aqoonsiga Somaliland, Waxaan Aaminsanahay Inay Buuxiyeen ShuruudIhii Dawladnimo”Raila-Odinga-Former-Prime-Minister-of-Kenya

London(Warsugannews): Ra’ysul-wasaarahii hore dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa si weyn u soo dhoweeyey madaxbanaanida Somaliland ka hesho beesha caalmka, isla markaana sheegay inay buuxiyeen dhammaan shuruudahii looga baahnaa.

Mr. Odinga oo shalay ka khudbad ku saabsan muhiimada Nidaamka Dimuqraadiyaddu u leedahay qaarada Afrika ka jeedinayey xarunta Chatham House, qeybtiisa Afrika ayaa soo dhoweeyey in haweenayda Hillary Clinton ku guulaysato madaxtinimada dalka Maraykanka doorashadda Bisha November ee fooda innagu soo haysa ka dhici doonta dalkaas.

Mar Raysal-wasaarahii hore Kenya Mr. Odinga ka hadlayey qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa sheegay “Annigu shaqsiyan si weyn ayaan u taageeraa aqoonsiga Somaliland, waxaan aaminsanahay inay buuxiyeen shuruudIhii ku xidhnaa aqoonsiga.”

Mr. Odinga ayaa sidoo kale sheegay inuu rejaynayo in Hillary Clinton ku guulaysato madaxtiniimada dalka Maraykanka waxaanu yidhi “Waxaan rejaynayaa in Hillary Clinton noqoto haweenaydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Maraykanka, sidii qaarada Afrika u yeelatay saddex madaxweyne oo haween ah qarnigan.”

Mr. Raila Odinga, oo Guddoomiye u ah xisbiga mucaaridka ah ee CORD ee dalka Kenya, ayaa sheegay in dhibaatada qabaa’ilku saamayn ku yeelatay siyaasada qaarada afrika iyo dalkiisa Kenya, waxaanu yidhi

“Nidaamka qabaa’ilku weli waa ku caqabad siyaasadda Kenya, sababta oo ah waxa adeegsada tafiirtii kuwii bilaabay.”

Hadalka Raysal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Raila Odinga ku taageeray qadiyadda madax-banaanida Somaliland oo wax badan ku kordhin doona fahamka beesha caalamka ayaa imanaya maalmo ka dib markii masuul ka tirsan xukuumadda Kenya u sheegay in dalkiisu ku bedelan doono aqoonsi ay siiyaan madaxbanaanida Somaliland ganacsi ay ka bilaabaan dalka.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN