Rajada Barcelona Ay Kula Soo Wareegayso Koke Oo Aan Welli Dhammaan…!

0
390

Rajada Barcelona Ay Kula Soo Wareegayso Koke Oo Aan Welli Dhammaan…!

Hargeysa(Warsugannews) Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay wellli ku raad joogto saxeexa laacibka khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Koke, waxaana laacibkani uu ka mid ah xiddigaha ay sida aadka ah ay u doonayso Barcelona xagaaga soo aadan kuwaas oo ay doonayso kooxda inay ku xoojiso safkeeda hore.
Wargeyska Sport ee ka soo baxa Catalonia ayaa sheegay in kooxda Barcelona ay ku khasbanaan doonto bixinta qiimo lacageed oo gaadhaya 65 million euro si ay u jabiso heshiiska laacibkani uu haatan kula joogo kooxda Atletico Madrid, laakiin Barcelona ayaa doonaynin inay samayso arrinkaasi sababa la xidhiidha xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada kooxood.

Wargeyska Sport oo hadlkiisa sii watta ayaa intaas ku sii daray in Koke aanu doonaynin inuu xilligan ka tago kooxdiisa Atletico Madrid. Xavi ayaa ka tegay Barcelona halka duqnimo ay soo hayso Andre Iniesta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here