RASMI: XEER ILAALIYAHA GUUD EE SWITZERALAND OO DAMBI BAADHIS KU BILAABAY MADAX WAYNAHA XIDHIIDKA KUBBADA CAGTA ADUUNKA FIFA EE SEPP BLATTER(WAXBIXIN FAAH FAAHSAN)

0
312

RASMI: XEER ILAALIYAHA GUUD EE SWITZERALAND OO DAMBI BAADHIS KU BILAABAY MADAX WAYNAHA XIDHIIDKA KUBBADA CAGTA ADUUNKA FIFA EE SEPP BLATTER(WAXBIXIN FAAH FAAHSAN)

Hargeysa(Warsugannews)Xeer Ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa hadda dambi baadhis ku bilaabay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta aduunka FIFA ee Sepp Blatter. Waxaa qorshaysnayd in Sepp Blatter uu qabto shir jaraa’id basle isla waqtii uu shirka jaraa’id qaban lahaa ayaa la sheegay in shirkaas jaraa’id aanu dhici doonin.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa muddo bilo ah ku jirtay xaalada kala guur ah iyada oo hore loo xidh ixdhay masuuliyiin guddida fulinta FIFA ka tirsanaa kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.Blatter

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa lagu sheegay in Blatter danbi baadhis lagu bilaabay waxaana qoraalkan oo aad udheeraa lagu yidhi: “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland (OAG) waxa uu danbi baadhis ku bilaabay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta aduunka FIFA iyada oo looga shakisan yahay danbiilenimo maamul xumo iyo sidoo kale iyada oo looga shakisan yahay in aanu si haboon umaalin”.

“Dambi baadhista ka dhanka ah madax waynaha FIFA ee Mr. Joseph Blatter waxaa la bilaabay 24 kii September,2015 iyada oo looga shakiyay danbiilenimo maamul xumo iyada oo la adeegsanayo qodobka 158 ee switzerland ee ciqaabta iyo qodobka 138 ee ah inuu musuq maasuq sameeyay”.Blatter

“Marka dhinac laga eedo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland waxa uu ka shakiyay in Mr.Joseph Blatter uu 12 September 2005 heshiis la saxiixday Caribbean Football Union iyada oo Jack Warner uu madax wayne hadda ka yahay, heshiiskani waxa uu ahaa mid cadaawad ku ah FIFA, Dhinaca kale marka laga eego waxaa jira shaki in fulinta heshiiskani uu Joseph Baltter ku xad gudbay waajibaadkii lagu aaminay ilsa markaana uu dhinac ka noqday danaha FIFA ama suuqgaynta FIFA iyo TV-da”.

“Waxaa intaa dheer oo Mr, Joseph Ballter looga shakiyay inuu lacag bixin khiyaamo ah bixiyay taas oo uu siiyay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee Michel Platini taas oo lagu eedeeyay shaqo la qabtay intii udhaxaysay January 1999 iyo June 2002, lacagtan waxaa la fuliyay February 2011.princealiblatterplatini-

wakiilada xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland waxa ay Joseph Blatter waydiiyeen su’aalo kadib markii ay shireen xubnaha fulinta FIFA, isla markaana Michel Platini waxaa laga dhegaystay warbixin dheeraad ah kaas oo la xidhiidha qodobka Switzerland ee 178 ee hanaanka ciqaabta, waxaa intaa dheer, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland waxa ay 25 September 2015 baadhitaan ku fuliyeen guriga xarunta FIFA iyaga oo gacan ka helaya booliiiska dambi baadhita Federalka. Xafiiska madax waynaha FIFA waa la baadhay xogna waa laga qaaday”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here