RASMI: Xiddigii bartilmaameedka u ahaa Man City ee Badstuber oo ku biiray kooxda…

0
499

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in xiddigeeda Holger Badstuber uu heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ugu biiray naadiga Schalke.

27-sano jirkaan ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo ka hoos ciyaaridda tababare Carlo Ancelotti tan iyo markii uu helay taam ahaansho buuxda, waxaana uu waydiistay kooxda in loo ogolaado inuu tago, si uu u helo koox uu si joogto ah ugu ciyaaro.

“Badstuber waxa uu heshiis amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedka ugu dhaqaaqayaa FC Schalke 04, kaddib markii heshiis ay wada gaareen Bayern iyo Schalke” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda xafidanaysa horyaalka Bundesliga.