Ra’yigu Ma Dambi Baa Xadhig Lagu Mutaysto? Qalinkii: Garaad Mahad Mohamed Abdi

0
371

Ra’yigu Ma Dambi Baa Xadhig Lagu Mutaysto? Qalinkii: Garaad Mahad Mohamed Abdi

waxa magaalada hargeysa lagu xidhay maalintii isniintii la soo dhaafay ee taariikhduna aheyd 14-09-15 Boqor Rabi Yusuf cabdilahi oo ka mid ahaa madax dhaqameedyada dalkan Jamhuuriyada Somali Land ugu magaca dheer leh.

taas oo xadhigiisa ay dawladu sabab uga dhigayso in uu qabo ra’yi ka duwan kan dawladu ku rabto in ay ku xidho seeraha banka qool caday.

mashruucaas oo ku salaysan dhulkii daaqa ahaa ee ku yaalay banka qool caday in la xidho iyada oo aanay is fahamsaneyn dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee degaanka iyo xukuumaddu.

taas oo ay sababtay is af garan waaga maanta yaala iyadoo ay ku haboonayd in wacyi gelin dawladu u sameyso bulshada degaanka ku ah banka.

Garaad Mahadhadaan Mashruuca dib ugu soo laabto waxa laga yaabaa in dano badani ugu jiraan dadka degaanka ah iyo bulsho weynta reer somali land ba, laakiin waxa aad moodaa in doorkii xukuumadu aanu muuqanin, taas oo aheyd in dawaladu ay dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan banka wacyi galin badan la siiyo lana tuso wax qabad,

1-waa in marka hore meesha laga saaraa dhulka iska oodan ee aan lana beerin ee banka ka baxsan in la baneeyo si ay dadkan xoolo dhaqatada ahi ay xoolahooda daaq ugu helaan.

2-in dadka degaanka ah wax loo qabto oo biyo loo soo saaro oo ceelal loo qodo, dhaamamna loo xidho ka hor inta aan seeraha la xidhin.

balse waxa aad moodaa in ay dawladu ku mashquulsan tahay sidii ay dadka degaanka degan u kala jajabin laheyd una qeybin laheyd cidina aanay ra’yigooda ka dhiiban karin.

wasiirada xukuumada u matala beesha , mar hore ayey dhameyn lahaayeen arrinkan, muddo dheerna banaanka ayay ka joogeen, talaabadii ugu horesay ee aad qaadeena waxa ay noqotay mid aad boqorka ku xidheen.

waxa ay aheyd in wasiirada beeshu ay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan beeshooda kuna dadaalaan sidii ay isugu xidhi lahaayeen beesha iyo xukuumada. wax kasta oo is maan dhaaf ahna ay wanaag iyo is afgarad ku dhameeyaan.

Dar-daaran:

waxa aan ku baaqayaa in boqorka xoriyadiisii loo soo celiyo maamulkuna shaqadiisa la gudboon qabsado aniga oo garaad ahaan bar-bar istaagi doono xukuumada oo tilmaami doona oo wax la qaban doona, oo aan marnaba ku talin doonin wax nabad gelyada wax u dhimi doona.

Qalinkii: Garaad Mahad Mohamed Abdi

garaadmahad74@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here