Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Shaacinaysa Inaanay Ogolaan Doonin Xubinimo Aan Buuxin Oo Midawga Yurub Ay Kaga Sii Mid Ahaadaan

0
533

UK ma ogolaan doonto xubinimo “aan buuxin” markii ay ka baxdo Midowga Yurub, ayay ku sheegi doontaa Theresa May, hadal ay maanta sheegayso oo mudo la sugayay.
Hadalkeeda ayaa la filayaa inuu ka mid ahaado inay Britain ka bixi karto suuqa xorta ah ee Midowga Yurub.Ra’iisalwasaaraha ayaa u sheegi doonta waddamada Yurub ee kale in UK ay doonayso inay la ganacsato “sida ugu xorta badan” laakiin aysan yeeleen inay qayb ka ahaato Midowga Yurub si aan buuxin ama dhamaystirnayn.
Guriga madaxtooyada ee Downing Street, ayaa sheegay inay soo bandhigi doonto 12 qodob ay ku sheegayso waxa ay ka
doonayso wadaxaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub.

Fox: ‘Ka bixida Midowga Yurub ee UK waa fursad dahab ah’
Dowladda ayaa ilaa hadda aan sheegin waxa ay ka doonayso wadahadalada, iyadoo balaqaaday inay bilaabayso wadahadalka ka bixitaanka Midowga Yurub dhamaadka bisha March.
Iyadoo ay joogaan meesha ay hadalka ka jeedinayso safiiro, Mrs May ayaa sheegi doonta in “Uk ay tahay saaxiibka ugu fiican ee dariskeeda waddamada Yurub, laakiin ah waddan xiriir la leh caalamka intiisa kale”.
Waxay u sheegi doontaa 27-da waddan ee ku jira Midowga Yurub: “Waxaan sii wadi doonaa inaan ahaano saaxiib aad isku halaysaan oo dhow.
Waxaan doonaynaa inaan iibsano alaabadiina, inaan idinka iibino alaabteena, oo aan idinla ganacsano si xor ah, oo aan isla shaqayno si aan u hubino inaan ammankeena sugno oo aan horumar gaarno inagoo isla shaqaynayna.”