telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Maanta Moqdisho Ka Dhoofay Kana Qeyb Gali Doona Shir Caalami Ah

Moqdisho (WMG-Hargeysa):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka  cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha  caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha

152 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins