Raysarwasaaraha Jabuuti Oo Ka Hadley Halka Ay Marayaan Wadahalada Siyaasadeed ee U Dhexeeya Iyaga iyo Isbaheysiga Mucaaridka.

0
382

Raysarwasaaraha Jabuuti Oo Ka Hadley Halka Ay Marayaan Wadahalada Siyaasadeed ee U Dhexeeya Iyaga iyo Isbaheysiga Mucaaridka.

Djbouti(Warsugannews)-Raysal-Wasaaraha Djbouti Cabdiqaadir Maxamed Kaamil islamarkaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Talada haya oo la hadlayay Kaadiriyiinta Xubnaha Gudida dhexe ee RPP
Ray-sarwasaaraha Dalka Jabuuti ama Madaxweyne Kuxigeenka Dalkaasi Cabdiqaadir Maxamed Kaamil ayaa markii u horeysay ka hadley halka ay marayaan wadahalada u dhexeeya Mucaaridka iyo Xukuumadooda kuwaas oo uu ku sheegay in ay caqabad ku noqdeen Mucaaruidka oo gudihiisa laba qodob isku khilaafsan.

Raysal-Wasaaraha Djbouti Cabdiqaadir Maxamed Kaamil islamarkaana ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Talada haya oo la hadlayay Kaadiriyiinta Xubnaha Gudida dhexe ee RPP ayaa, ku dheeraadey, arimaha ugu waaweyn ee wakhti xaadirkan horjooga in ay soo afjarmaan wadahalada Siyaasadeed u socda Isbaheysiga Mucaaridka dalkaasi USN iyo Xukuumadu isagoo sidaa ku sheegay kulan balaadhan oo ay ku yeesheen Gudida Dhexe ee RPP Djbouti.

Isagoo Arimahaa ka hadlaya Wuxu yidhi.

“Kulankan waxaan kaga hadlayaa wixii noo dhexeeyay anaga UNP iyo USN wadahaladii noo dhexeeyay anagu waxaanu fulinay in sideedii Xubnood ee Baarlamaanka ahaa ay Golihii wey gashey xagaasi wey noo dhamaatey wixii kalena waa UNP shaqadeeda weeyaan, m,a aha dee taa waxey aheyd in ay iyaguna dadkooda qabtaan rabash iyo meesha Magaalada in aan loo keenin,maxaan ku idhaahdaa dadkooda in ay qabtaan bay aheyd,lama sameynayo dee maalin kasta cay bay nagu wadaan, dee waxaanu nidhi joogsada saacad ha ahaatee naga joogsada aan shaqeynee waala kari waayay waxana maxaa keenay iyaga dhexdooda ayaa wax jiraayoo dad waxey yidhaahdeen aan ku kicinoo meesha aan buuq galino, dadkii anaga nala hadlayayna waxey yidhaahdeen waar sidaa ma ahee joogsada oo waan eegaynaa waan isla shaqeyneynaa”Ayuu yidhi Cabdiqaadir Kaamil Raysarwasaaraha Dalka Djbouti oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga talada dalka haya ee UNP.

Sida Raysalwasaaraha Dalka Djbouti Xusey Qeybo kamid ah Isbaheysiga Mucaaridka dalkaasi ayaa ugu baaqey Taageerayaashooda in ay banaan baxyo sameeyaan Arbaca kasta.

warsugan/Jabuuti

warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here