Re: 2010 ELECTIONS ENG FAYSAL : BEELAHA U CODEEYAY IYO KUWA KA CODEEYAY

0
320
ENG FAYSAL CALI WARAABE   2010 ELECTIONS  : BEELAHA U CODEEYAY IYO KUWA KA CODEEYAY
Waxaan warbaahinta  ku arkay   taageerayaasha Eng Faysal Cali Waraabe  oo ku eedeeyay Beesha Galbeedka Burco  inaanay  codkooda  siinin  Eng Faysal doorashadii June,2010 sida awgeedna aanay la shiri  doonin ,  codna aanay siin doonin Guddoomiye Cirro .  Markaan dhawaaqa arkay,waxaan dib u eegay tiradii ay soo sartay Guddiga Doorashooyinka Qaranka “ valid votes”, June 2010. Guud ahaan Engineer Faysal Cali Waraabe  wuxuu helay 92,459 votes   oo u dhiganta 17% ; Madaxwayne Daahir Riyaale 178,881 ( 33% ) ; Madaxwayne Siilaanyo 266,906 ( 50% ). Hadaba , si aan u  kula baandheeyo  beelaha taageeray Enginner Faysal Cali Waraabe   iyo kuwa qawaday, waxaan soo qaatay degmooyinka  ay   beelaha sooca ahi “ Single clans “ u badanyaheen   sida Baligubadle, Oodwayne, Garadag , Badhan,  Saylac iyo Garadag.Waxaan dhaafay  magaalooyinka waawayn ee la wada dego  Hargeisa, Burco ,  Berbera, iyo Ceerigavo. Sida ku cad shaxda  Table A , waxa Engineer Faysal Cali Waraabe qawaday oo codyar siiyay beelaha kala deggan- Saylac  184 votes, Lughaya  143 votes, Baligubadle  709 votes, Gabiilay  1,858  iyo  Garadag 186 votes .  Dhinaca kale,  sida ku cad shaxda  Table B , waxa Engineer Faysal Cali Waraabe taageeray  oo cod buuran  siiyay beelaha kala deggan Salaxlay 11,222   votes, Oodwayne  5,146 votes, iyo Badhan 965 votes. Halkaa waxa ka muuqata in dhawaaqa  kasoo yeedhay  taageerayaasha Eng Faysal Cali Waraabe uu yahay war khaldan oo xaqiiqada ka fog, laakinse ujeedooyin kale laga leeyahay, oo ah Eng Faysal mar saddexaad tartamo si Col Muuse Biixi jidka logo xaadho.
TABLE A  :  DEGMOOYINKA DHABRKA U JEEDIYAY  ENG FAYSAL
 
DISTRICT
RIYAALE
SIILAANYO
FAYSAL
TOTAL
Valid votes
1
Saylac
4,256
3,209
184
7,649
 
 
56%
42%
2%
 
2
Lughaya
2,080
2,074
143
4,297
 
 
49%
48%
3%
 
3
Baligubadle
1,813
4,984
709
7,506
 
 
24%
67%
9%
 
4
Gabiilay
12,341
38,305
1,858
52,504
 
 
24%
73%
3%
 
5
Garadag
735
4,131
186
5,052
 
 
15%
82%
3%
 
 
TABLE B: DEGMOOYINKA TAAGEERAY ENG FAYSAL CALI WARAABE
 
DISTRICT
RIYAALE
SIILAANYO
FAYSAL
TOTAL
Valid votes
1
Salaxlay
423
999
9,800
11,222
 
 
4%
9%
87%
 
2
Badhan
734
126
965
1,825
 
 
40%
7%
53%
 
3
Oodwayne
4,480
4,940
5,146
14,566
 
 
31%
34%
35%
 
 
Drs Hoodo Yusuf , Uk, London.