Real Madrid oo barbareysay kooxda Barcelona, Cristiano Ronaldo oo ka sare maray Messi iyo RIKOODHADII kale ee laga diiwaan galiyey guushii ay Los Blancos ka gaartay Granada

0
400

Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu si xun ugu xaaqday kooxda Granada, iyadoo soo ceshatay lixdii dhibcood ee ay hoggaanka La Ligaha ku haysay ka hor koobkii kooxaha adduunka ee ay ku soo guulaystay ee lagu qabtay Japan.

Waxaa kulankan ay Real Madrid 5-0 uga badisay kooxda Granada, waxaana Los Blancos ay goolasha ka kala heshay 12’daqiiqo Isco, 21’daqiiqo Karim Benzema, 27’daqiiqo Cristiano Ronaldo, 31’daqiiqo markale Isco iyo 58’daqiiqo Casemiro.

Haddaba halkaan hoose ka eeg rikoodhadii laga diiwaan geliyey kulankan:-

>- Real Madrid ayaa kulankan ku barbaraysay rikoorkii guuldarro la’aanta kooxda Barcelona ee ahaa 39 kulan oo aan laga adkaan tartammada oo dhan.

>- James Rodriguez ayaa hadda ku lug leh 64 gool 96 kulan oo uu Real Madrid u ciyaaray tartammada oo dhan, 35 gool waa uu dhiibay ama caawiyey, halka 29 gool uu dhaliyey.

>- Kooxda Real Madrid ayaan laga adkaan 28-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Ligaha Spain,  24 kulan guul ayey gaartay, 4 kulan barbaro ayey gashay, 84 gool ayey dhalisay mudadaas, waxaana dhaga dhaliyey 25 gool.

c1ko3s-weaabkpt

>- James Rodríguez ayaa sameeyey 4 gool caawin tartammada oo dhan isagoo ka soo kacay kursiga keydka, waana in ka badan ciyaaryahan waliba oo ka dheela horyaalka La Ligaha xilli ciyaareedkan.

>- Goolkii Cristiano Ronaldo uu dhaliyey kulankan ayaa sababay in wiilka reer Portugal uu ka sare maro Lionel Messi goolasha horyaalka, tan iyo xilli ciyaareedkii 2009/10 oo Madrid ku biiray Ronaldo, waxaana uu Cr7 La Liga ka dhaliyey 271 gool, halka Messi uu mudadaas ka dhaliyey 270 gool.

>- Karim Benzema ayaa 10 gool kaga dhaliyey kooxda Granada horyaalka La Liga, waana kooxda uu goolasha ugu badan tartanka kaga dhaliyey.