Reer Boorama Oo Dareen Wadaniyadeed Ku Soo Dhaweeyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo: W/Q Mustafe Cabdi‏

0
367
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo safarkiisa uu ku tagay gobolka Awdal, siiba meelaha ay abaaruhu sida baahsan u saameeyeen ee ay ka mid ahayd deegaanka qolu-jeed oo ahayd meeshii uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Boqolaalka qoys ee u shalay madaxweynuhu soo arkay waxay noqon doontaa mid taariikhda gasha oo maanka dadka tabaalaysan aan marnaba ka bixi doonin oo raad ku reebi doonta.

Dadka reer Awdal markaan warbaahinta qaarkeed ka daawaday waxaan ma jeertay qaabka niyad samida leh ee ay u qaabileen madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminaayo, shucuurta caadiga ahi waxay dareemaysaa dareen aan qiyaas lahayn oo loo hayo madaxweynaha dadkiisii iyo dalkiisii la dareen wadaagaya.

Isku duubnida iyo wada jirku waxay abuuraan kalsooni iyo awood aanu cadaw kastaa soo higsan Karin, mana noqoto mid dhayal iyo dheeldheel lagu abuuro ee waxaa bixiya casiiska wayn waana mahad Eebe oo u baahan mar kasta lagu shukri noqo oo si ilaahay nimcooyinkaas joogto inooga dhigo.

Dadkayga waxaan leeyahay kalsoonida reer Boorama u muujiyeen madaxweyne Axmed Siilaanyo waa mid ka turjumaysa taageerada uu ka haysto shacabka reer Somaliland waxayna farrin cad u tahay gobolada kale ee madaxweynaha waxqabadkiisa laga dareemi karo waana mid ay reer Boorame ku amaanan yhiin.

Marka aynu isku naxariisano ayaa samada laynooga naxariistaa durba wakaa Ilaahay maraqa inooga furay raxmaadkiisii oo galbeed iyo koonfurba laga soo sheegayo roobab ka curtay ujeedaduna maaha madaxdiiba baxday oo roob ayaa da’ay taas yaan loo fahmin wax kastaaba xaga Rabbi ayey ku xidhan yihiin.

Waxaan maqaalkayga ku soo koobi lahaa samirka oo la waheshadaa waa qayb ka mid ah nolosha oo aad ku guulaysato, madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu ku guulaystay inuu jabiyo xayndaabyo badan oo ku wareegsanaa nolosha reer Somaliland waxaana ku ilhaamiyey Alle SWT oo garad siiyey.

Wabilaahi Tawfiiq

Mustafe Cabdi

Cmustafe99@gmail.com