“Reerka Sacad MUUSE La yidhaahdo Labada Xil Ayaa Ka Maqan Dalka Gebigiisa, Labadiina Ullo BOOCA Ayey Ugu Soo Tukubayaan” Ooto Biixi Caalin

0
433

“Reerka Sacad MUUSE La yidhaahdo Labada Xil Ayaa Ka Maqan Dalka Gebigiisa, Labadiina Ullo BOOCA Ayey Ugu Soo Tukubayaan” Ooto Biixi Caalin

Hargeysa(warsugannews):- Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo ka tirsan masuuliyiinta sar sare ee Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu naqdiyay qaar ka mida Joornaalada ka soo baxa dalka oo uu ku tilmaamay inay xaafad qudhi wada leedahay,isla markaana waxa uu uga digay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (XUUTO) baada uu ka doonayo Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka ee uu ku aflagaadeynayo waraaqda yar ee uu qorqoro.

Ooto Biixi Caalin waxa uu sidaa ku sheegay mar uu galabta u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Mujaahid Maxamed Biixi waxa uu ka codsaday Madaxweyne SIILAANYO mar haddii uu waddanka ka wada dhigay wax gaar loo wada leeyahay (Private) oo uu wada kireeyey, waxaan leeyahay Golaha Wasiiradana kala dir kharash ayay inagu soo kordhinayaan.

Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) ayaa waxa uu naqdiyay qaar ka mida Joornaalada ka soo baxa Magaalada Hargeysa hab-dhaqankooda, waxaanu yidhi“Beryahan danbe Saxaafadda Somaliland ee xaafada qudha ahi laba nin ayay wax ka qorayeen oo kala ah Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Iyo Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan. Reerka Sacad MUUSE la yidhaahdo labada xil ayaa dalka gebigiisa ka maqan, labadiina ullo BOOCA ayaad ugu soo tukubeysaan.Waxaan idin leeyahay labadana soo doonta bal markaa in Hargeysa la wada-joogana oo lagu wada shaaheeyana waad arki doontaan”.

“Dadku sidiina ayay Caqli leeyihiin, oo ay Indho leeyihiin, oo sidaad u fikirtaan ayaa loo fikirayaa, waxaan idin leeyahay labada nin (Cabdilaahi-FADAL, Iyo Cabdiqaadir Iimaan), haddii aydaan dib uga fadhiisanin ta waddanka ka dhacdaa waxay noqon doontaa dhegtaag.Waxa kale oo aan idiin sheegayaa xil-wal oo aad haysaan waan soo qorayaa oo shakhsi shakhsi ayaan u weeraraynaa,- waxaanu sheegaynaa inaanu Madaxweyne Dalka ka talin oo ay dalka ka taliyaan Dumar SACAD-MUUSE, waxaan idin leeyahay waar Xishooda sidaan u xishoonayno”. Ayuu yidhi Mujaahid Ooto.

Ooto Biixi waxa uu weeraray hab-dhaqanka Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xuuto, isaga oo uga digay baad uu sheegay inuu ka doonayo Guddoomiyaha Komiishanka, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (XUUTO) ahna Wakiilka Wargeyska WAAHEEN waxaad tahay nin aad iyo aad u dheereynaya, Alle ha u naxariiste Xoghayihii hore ee Ururka SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax waxa uu ahaa nin aad iyo aad u wanaagsan oo saxaafadda qiimaheeda yaqaana dadka kala yaqaana, inankan Xuuto meel laga soo Ciyaarsiiyay garan-mayno, Xuuto malaha Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka waxa uu ka doonayaa laaluush ee waxaan leeyahay wixii ku suuragalaya doono, qiimaha Magaca saxaafada ee aad bahdilayso jooji oo sida ay saxaafadu u shaqeyso u shaqee,”

Mujaahid Ooto waxa uu ka codsaday Madaxweyne SIILAANYO inuu kala diro Golihiisa Wasiirada, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxaan u dirayaa tallo-qaran oo ah maadama aad Wershadihii dalka aad ka dhigtay wax gaar loo leeyahay (Private), oo Haamihii shidaalka aad ka dhigtay wax gaar loo leeyahay, oo Wershadii laydhka Hargeysa aad ka dhigtay wax gaar loo leeyahay (Private), oo aad doonayso inaad Dekedii Berber ka dhigto wax gaar loo leeyahay, maadama aad dalkii oodhan kawada dhigtay Private waxaan ka codsan lahaa inaad Cusbitaalka Guud anniga (Ooto) igu wareejiso gaar ahaan, Idaacada Radio Hargeysa nin ka soo jeeda Beesha (Isaxaaq), Wakaalada Biyahana aad ku wareejiso Nin Xuseen Abokora, Madaarka Hargeysa-na waxaad ku wareejisa Ciidagale, Golahaaga Wasiiradana kala dir waayo waxa innagaga baxaya uun Kharash uun, Mar haddii aad dalkii oodhan kawada dhigtay Wax gaar loo leeyahay waxaynu u baahanahay Bileys ina ilaaliya uun, Madaxweyne kuxigeenkaaguna waxa uu saamiley ka yahay Wershada laydhka ee Magaalada Hargeysa, isagana Wershada u dir, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye ka dhigo Madaxweyne Kuxigeen”

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here