RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii lagu kala bixi waayey ee El Clasico… (Maxay ka dhignaayeen goolashii Suarez iyo Ramos?)

0
340

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa kulankii El Clasico ee ku dhexmaray garoonka Camp Nou dhibcaha ku kala qeybsaday kaddib markii ay galeen barbaro 1-1.

Kubbad laad xor ahayd oo uu Neymar dadab ka soo qaaday ayaa waxaa 53’daqiiqo madax ku dhaliyey Luis Suarez, sidaas ayeyna hoggaanka ciyaarta ku qabatay Barcelona.

Real Madrid ayaa goolka barbaraha la timid daqiiqaddii 90’aad ee dhammaadkii ciyaarta waxaana karoos dadab laga soo qaaday madax ku dhaliyey kabtanka kooxda cad-cadka ee Sergio Ramos, kaasoo kulanka ka dhigay barbaro 1-1, sidaas ayeyna ciyaartu ku soo dhammaaday gar isku mid ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan El Clasico:-

>- Luka Modric ayaa gool ka caawiyey Sergio Ramos markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2014-kii final-kii Champions League.

>- Sergio Ramos ayaa goolkiisii afaraad ka dhaliyey kulanka El Clasico, waana goolkiisii ugu horreeyey ee uu ku dhaliyo garoonka Camp Nou tan iyo sanadkii 2007.

>- Sergio Ramos ayaa haatan u dhaliyey 75 gool kooxdiisa iyo Dalkiisa.

– Kooxda Real Madird ayaa hadda unbeaten oo aan laga adkaan 33 kulan oo xiriir ah tartammada oo dhan, 26 kulan guul ayey gaartay, halka ay barbaro gashay 7 kulan oo uu kulankan u dambeeyey, waxaana ay dhalisay mudadaas 93 gool, iyadoo laga dhaliyey 30 gool.

>- Sergio Ramos ayaa sii wata caadadiisa ah inuu dhaliyo gool soo daahay oo waliba barbaro ugu keeno kooxdiisa, waxaana uu horay u sameeyey Ramos inuu 90’daqiiqo goolka barbaraha ugu dhaliyey kooxdiisa kulanka UEFA Super Cup, si la mid ah 90’daqiiqo oo uu goolka barbaraha u dhaliyey Real Madrid final-kii Champions League, xalayna sidii oo kale ayuu 90’daqiiqo goolka barbaraha u dhaliyey kooxdiisa kulankii El Clasico.