Riyo-xidho Oo Muujisay Taageerada Ay La Barbar Taagan Yihiin Xisbiga Kulmiye

0
567

Riyo-xidho Oo Muujisay Taageerada Ay La Barbar Taagan Yihiin Xisbiga Kulmiye

Degmada Riyo-xidho(WSN)dadweynaha ku dhaqan degmada riyo-xidho oo ka tirsan gobolka togdheer ayaa isu soo bax balaadhan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbul xaakimka kulmiye, iyo murashaxa Xisbigaasi.

Isu soo baxa ay muujiyeen dadweynuhu waxa uu ahaa mid ay saddexdii maalmood ee u danbeeyey ku muujinayeen cududooda taageero ee ay la barbar taagan yihiin xisbiga kulmiye, waxaanay muujiyeen sida ay degmo ahaan ugu xoogan yihiin, uguna adag yihiin mowqifkooda, iyagoo diyaarna u ah inay maalinta codbixinta dhiibtaan codkooda muwaadinimo oo ay balan qaadeen inay murashax Muuse Biixi Ku dhisidoonaan.