Robert Lewandowski Oo Badbaadiyay Kooxdiisa Bayern Munich,Jerome Boateng Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Bayern Munich Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaadhay Hoffenheim

0
485

Kooxda Bayern Munich ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay kooxda Hoffenheim ooo ay marti ugu ahayd garoonkeeda  Rhein-Neckar-Arena. Bayern Munich ayaa guushan ku gaadhay 2:1. waxaana goolka guusha daqiiqadii 90 aad udhaliyay Robert Lewandowski kaas oo kooxdiisa u horseeday inay saddexda dhibcood ka qaadato kooxda Hoffenheim oo Bayern kaga hormartay goolkii horyaalka Bundesligaha ugu deg deg badnaa kaas oo uu dhaliyay Kevin Volland.

Qalad uu sameeyay David Alaba ayaa sabab unoqday in Bayern Munich gool looga hormaro markii ay ciyaartu socotay 9 seconds ama ilbidhiqsi oo kaliya waxaana goolkan Hoffenheim udhaliyay Kevin Volland kaas oo barbareeyay goolkii abid ugu deg deg badnaa horyaalka Jarmaka kaas oo sanad ka hore kooxda Bayer Leverkusen uu udhaliyay  Karim Bellarabi.

Intii aanu hal daqiiqo dhamaan ayay kooxda martida loo ahaa heshay goolka ay ciyaarta hogaanka ugu qabatay taas oo kalsooni wayn siisay Hoffenheim.Laakiin Thomas Müller ayaa kooxdiisa Bayern Munich goolka barbaraha u keenay daqiiqadii  41 aad ee dhamaadkii qaybtii hore waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.Qaybta hore ayaa lagu kala nastay bararbo 1:1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu noqotay mid aad u sii adkaatay isla markaana ay in badan labada kooxood isku mariwaayeen.Daqiiqadii 73 aad ayuu xaalku ku xumaaday kooxda martida ahayd ee Bayern kadib markii kaadhka cas loo taagay difaaceeda Jerome Boateng kaas oo kubbad gacanta ku taabtay isaga oo xerada ganaaxa kooxdiisa ku jira.

Jerome Boateng ayaa hore u sii haystay kaadhka digniinta ah wuxuuna kaadhka labaad ee digniinta ah uu ku qaatay kubbada uu gacanta ku taabtay isaga oo xerada ganaaxa kooxdiisa ku jira.Waxaa rekoodhaha tuurtay  Polanski laakiin Manuel Nueur oo hadda loo arko goolhayaha aduunka ugu fiican ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay gool markale looga hormari lahaa.

Iyada oo ciyaartu umuuqata inay ku dhamaanayso barbaro 1:1 ah ayuu xidiga ree Poland ee Robert Lewandowski uu kooxdiisa daqiiqadii 90 aad udhaliyay goolka ay ku gaadhay guusha cidhiidhiga ah ee ay ka soo gaadhay kooxda Hoffenheim oo dadaal badan samaysay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay 10 ciyaartoy oo Bayern Munich ahi ay markeeda hogaanka kula wareegtay. Bayern Munich ayaa wali sii wadata guulaheeda xili ciyaareedka cusub, waxayna hogaanka horyaalka Bundesligaha ku qabatay lix dhibcood inkasta oo ay tiradan wadaagaan Bayern Leverkusen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here