Ronald Koeman oo la dhacay qaab ciyaareedka Liverpool ee xiliciyaareed kan

0
407

Tababaraha kooxda Everton ee Ronald Koeman ayaa shaaciyay inuu aad ula dhacsanyahay qaab ciyaareedka Liverpool ee xiliciyaareed kan.

Ronald Koeman ayaa sheegay inay xili hore tahay ka hadalka ku guulaysiga Premier League laakiin wuxuu cadeeyay inuu la dhacsanyahay waxa ay soo bandhigayso Liverpool.

Liverpool ayaa laga adkaaday kaliya hal kulan 14-kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay ciyaarto, waxayna gaartay 8-dhamaadka koobka League cup-ka.

“Waa xili hore ka hadalka kooxaha u sharaxan koobka, laakiin waxaan aad ula dhacsanahay qaab ciyaareedka Liverpool ilaa haatan” ayuu yiri Ronald Koeman.

“Lagayaabee waxa aan dhahayo inaan laga filan karin tababare Everton ah, laakiin Liverpool waxay ciyaaraysaa kubadd aad u fiican, wayna u qalantaa inay qabato hogaanka”.

“Liverpool waxay leedahay yool xadidan taas ayaana guusha u keenaysa, xaqiiqdii waxaa lagayaabaa inay ku guulaystaan koobka xiliciyaareed kaan, waxay haystaan fursad fiican laakiin ma ahan kooxda kaliya ee u sharaxan koobka”.