RW Ku-Xigeenka oo gudoomay lacag cadadeedu badan tahay oo wax looga qabanayo Abaaraha

0
300

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa lacag dhan $91,835 ka gudoomay Safiirka Jaamacadda Carabta Amb Maxamed Cabdalla Idriis.
Mudane Carteh ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dowladaha Carabta sida ay dadka Soomaaliyeed u garabtaagan yihiin.
“Dowladaha walaalaheena ah ee Carabta waxa aan uga mahad celinayaa sida ay nooga gacansiinayaan wax u qabashada dadka Soomaaliyeed, waa kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba baaqii guddiga uu u jeediyay caalamka; marnaba ma hilmaami doono caawinaadooda oo timid waqti loo baahnaa”.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed u cadeeyay in lacagtani ay ku bixi doonto meeshii loogu tala-galay.
“Waxa aan idiin cadeeynayaa in lacagtan aan gaarsiin doono dadkeena dhiibaateysan, ma dhici doonto in si kale loo isticmaalo, si banaan-yaal ah ayaana u soo bandhigi doonaa qaabka iyo nidaamka kharashaadka loo bixiyo”.
Ugu dambeeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dadkeena macluushu hayso u tafaxaytaan in ay quudiyaan gargaar degdeg ahna la soo gaaadhaan.