Ryan Giggs: “2009 mar baan Guardiola dartiis uga fariisan rabay Kubadda Cagta”

0
477

 Laacibkii hore ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa shaaca ka qaaday in Tababare Pep Guardiola dartiis uu 2009 isagoo 35 jir ah ku sigtay inuu ciyaaraha Kubadda Cagta oo dhan uga fariisto.

Giggs oo la hadlayay ‘Telegraph’ ayaa sheegay in Guuldarradii kooxdiisa Manchester United ay kala kulantay kooxdii Guardiola horkacayay sanadkii 2009 ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Horyaallada Yurub ee ka dhacday Roma 2-0 ay u horseedi lahayd inuu ka fariisto guud ahaan kubadda Cagta.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Samuel Eto’o iyo Lionel Messi ayaa libinta siiyay kooxda Barcelona ciyaartaasi Champions League ee lagu qabtay Stadio Olimpico iyagoo halkaasi ku hantay Koobkii.

“Taasi waxay ahayd Final-kii Champions League 2009 ee Roma ka dhacay, weligeey maskaxdayda ayay ku keydsanaan doontaa, waxayna ahayd hoos u dhicii ugu liitay 23′ sanadood ee aan ciyaaryahanka ahaa” ayuu yiri Giggs.

“Waxaan ahaa 35 jir 2009 waxaana ku talo jiray inaan 5 sanadood oo kale u sii ciyaaro Manchester United, aad baana ugu faraxsanahay inaan lumin khibraddeydii iyo saddexdii koob ee waaxeyneyd ee xigay ee aan ku guuleystay” ayuu sii raaciyay Giggs.

Ciyaaryahan Giggs ayaa guuldarradii Barcelona kaddib waxa uu Manchester United kula guuleystay Horyaalka Ingiriiska 2011 iyo 2013 iyo Koobka League Cup 2010, halka sidoo kale uu gacanta ku dhigay Koobka Community Shield 2010 iyo 2013.

war sugan ++++  burco