Ryan Giggs Oo Weerar Ku Qaaday Jose Mourinho: “Waxkasta Oo Ku Dhaca Rooney Isaga Ayaa Ka Dambeeya, Jihada Ayuu Ka Lumiyey”

0
396

Ryan Giggs ayaa Jose Mourinho ku weeraray inuu godob ka galay geesiga Man United ee Rooney isagoona sheegay in Wayne Rooney  uu jihada ka lumiyey Jose Mourinho.

Laacibka heerka caalami ee xulka England Rooney ayaa waxaa keydka dhigay Mourinho kaddib bilow hoose oo uu xilli ciyaareedkan iyadoo sidoo kale macalinka ku meel gaarka England es Gareth Southgate uu isna isla kursiga keydka galiyey kulankii ay bar bar dhaca 0-0 la galeen Slovenia.

Giggs ayaana mashaqadaan oo dhan dusha uga tuuray Jose waxana uu yiri “Waxaan arkaa ciyaaryahan waqti KMG ah ku jira, taas oo kale wey igu dhacday markii aan ahaa 29 ama 30, waagaas oo aan difaacna dhulka dhigi karin ama kaba gudbin karin.

Isagoo qiray inuu ka xun yahay waxa ku dhacay Goldon Boy ayuu sii raaciyey “Waan ka yara xumahay waxa ku dhacay, ololihii tegay ilaa xagaaga dhexda ayuu ka dheelayey hadana Mourinho ayaa u sheegay in uu ka dheelo 9 ama 10, dhabtii wuu jiho lumay.”