Saaxiibaday Waxaan Leeyahay Ha Noqonina Kuwii Geella La Soo Dhaco Cidda Soo Dhacday U Xalaalayn Jiray

0
371

“Saaxiibaday Waxaan Leeyahay Ha Noqonina Kuwii Geella La Soo Dhaco Cidda Soo Dhacday U Xalaalayn Jiray”

Hargeysa(Warsugannews)“Saaxiibaday Waxaan Leeyahay Ha Noqonina Kuwii Geella La Soo Dhaco Cidda Soo Dhacday U Xalaalayn Jiray”
Khilaaf hor leh oo salka ku haya go,aanka uu golaha wakiiladdu ku laalay wareejinta haamaha shidaalka Berbera, ayaa ka dhex qarxay Shirgudoonka golaha wakiillada Somaliland, isla markaana Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen oo isku dhinac ah ayaa shalay si gaar gaar ah ula hadlay warbaahinta.

Dhaqdhaqaayadii u dambeeyay

Go,aankii golaha wakiiladdu ku laalleen wareejinta haamaha shidaalka kadib, madaxtooyadu waxay kaga jawaabtay cadho xoog leh, isla markaana wuxuu madaxweynuhu go,aankii dib ugu soo celiyay golaha. Dhanka aqlabiyaddii go,aanka u codaysay ee goluhuna waxay sheegeen, in aanay sharci ahayn soo celinta madaxweynuhu, isla markaana aanuu xaq sharci u lahayn inuu soo celiyo go,aan gole.

Siyaasiyiin kale oo uu ugu horeeyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa iyana la yaab iyo mid aan banaanayn ku tilmaamay, dibu celinta go,aan gole, isla markaana wuxuu Faysal tilmaamay, inay taasi muujinayso faham la,aanta reer Somaliland ee nidaamka dawliga ah. Hase ahaatee aqaliyaddii marka horeba raacsanayd wareejinta haamaha ee golaha wakiiladda iyo madaxtooyaduba waxay isku raacsan yihiin, in madaxweynuhu xaq u leeyahay wax kasta oo goluhu gaadho.

Taana waxa ku xigay in madaxtooyadu dib ugu soo celiso golaha go,aankaa. Laakiin mar kale ayaa Gudoomiye Cirro dib ugu celiyay go,aankaa dhinaca madaxtooyadda, isla markaana tusmeeyay in aanay dastuurka dalka meella kaga qorayn, madaxweynuhu go,aamadda aan mashruuc sharci ahayn inuu ku celin karo golaha.

Doodda Gudoomiye Xigeenka

Gudoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay, in aanuu Gudoomiye Cirro keligii xaq u lahayn inuu keligii madaxweynaha ku celiyo go,aankii golaha ee uu soo celiyay.

“Madaxweynuhu xaq buu u leeyahay inuu soo celiyo go’aanka golaha wakiillada, markuu soo celiyayna uma soo celin guddoomiyaha ee wuxuu u soo celiyay gole waynaha. Guddoomiyaha markii warqadda loo keenay, shir guddoon ahaan nama tusin oo ilaa hadda kama war hayno. Gole weynihii loo soo qorayna kamuu hor akhriyin oo uma sheegin oo ma odhan madaxweynuhu go’aankii buu inagu soo celiyay ee maxaynu ka yeelnaa?. Markaa haddii goluhu isla qaato ha lagu celiyo madaxweynaha iyo inaan lagu celin waxay u taalaa gole weynaha, guddoomiyaha baarlamaankana uma taal, shir guddoonkana uma taalo.” Ayuu yidhi Baashe.

Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Sidii loo sugayay guddoomiyuhu inuu golaha soo dhex-dhigo warqadda Madaxweynuhu soo diray, wuxuu guddoomiyuhu u qoray warqad madaxweynaha uu leeyahay go’aankii aad soo celisay dib baan kuugu soo celiyay, taasina waxay baal marsan tahay dawladnimada iyo in qof waliba wuxuu doono sameeyo. Waad ogaydeen oo khilaaf hore ayaa ka dhacay go’aamo guurtida loo gudbiyay waa laga gar naqay oo waxaa la go’aamiyay in wax kasta oo golaha ka baxaya shir gudoonku isla ogaado, taasna wuu jebiyay Guddoomiyuhu.” Gudoomiye xigeenka labaad ayaa isna sidaas oo kale dhaliilay gudoomiyaha.

Jawaabta Gudoomiyaha

Guddoomiye Cirro ayaa isna dhinaciisa ka jawaabay eeddahaa ku xigeenadiisu u jeediyeen.

“Goluhu wuu garanayaaye waxaan jecelahay inaan shacbiga u sheego, sida xeer hoosaadka goluhu tilmaamayo golaha waxa metela oo magaciisa ku hadla guddoomiyaha golaha wakiillada. Goluhu laba wax buu sameeyaa mid waa shuruuc, midna waa go’aammo, markay shuruuc tahay dastuurku wuu tilmaamay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo celiyo, balse dastuurku ma jidayn meel ay kaga taalaanaa ma jirto inuu soo celiyo go’aan gole.”Ayuu yidhi Cirro.

Wuxuu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi;

“Go’aanku wuxuu ahaa mid si aqlabiyad ah goluhu isugu raacay, sidaa darteed aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaya magaca golaha iyo go’aanka golaha, waxaan madaxweynaha u gudbiyay inaanuu dastuurku jidaynaynin inuu soo celiyo go’aan gole, waxa kale oo aan u gudbiyay in xukuumaddu degdeg u soo gudbiso xeer lagu maamulo hantida qaranka oo dastuurku amray in la sameeyo, si looga baxo muranka soo noqnoqda ee ku saabsan maamulka hantida qaranka. Soomaalidu berigii hore geella ayay kala dhici jirtay. Markaa, marka geela la soo qaado nin wadaad lagu sheego ayay u tegi jireen oo ay odhan jireen Geellan in qaado inta kalena anaga noo xalaalee. Markaa, waxaan isleeyahay malaha xukuumaddu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo, ku fadhiya waxay doonaysana u xalaaleeya, saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina kuwaa geela la soo dhacay cidda soo dhacday u xalaalaynaya” ayuu yidhi Mudane Cirro.

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here