Sababaha Gun Dhigga U Ah Shilalka Soo Noqnoqday Faalo:- W/Q/ Xasan Maal Dhidar

0
323

Sababaha Gun Dhigga U Ah Shilalka Soo Noqnoqday Faalo:- W/Q/ Xasan Maal Dhidar

Sababaha Gun Dhigga U Ah Shilalka Soo Noqnoqday:- W/Q/ Xasan Maal Dhidar Sida aynu Lawada Socono waxaa Soo Noq Noqda inta Badan Dhibaatada Shilalka Gaadiidka Hadaba Aqriste Ma is waydiisay Dhibaatadaasi waxaa inta Badan Sababa, iyadoo Qadarta Ale ay Qoran tahay oo ay tahay Lama Dhafaan. Dhibaatadaasi Shilalka Gaadiidka waxaa inta Badan usababa Qodobadan

1) Inta Badan Wadooyinka waxaa ka Dhex Go,ay Godad

2) Baabuurta Somaliland lagu isticmaalo oo ubadan qaar isteerinka kuleh dhinaca bidixda iyadoo Haadka wadooyinka la maraana uu yahay Midig taasi oo inta Badan sababta marka qofka dirawalka ahi uu dhaaf isleeyahay inaanu arkaynba wax ku soo jira haadka kale

3) Gaadiidka wadanka la keeno oo ubadan kuwo mustacmala oo Daalay isla markaana aan tayo fiican lahayn(Body save)

4) Wadayaasha wada Gaadiidka oo aan Khibrad fiican ulahayn si fududna Liisanka lagu siiyo

Hadaba Maxaa Xala ee Lagaga Gudbi karaa Dhibaatadaasi

1) Wadooyinka oo la Buux buuxiyo oo Godadka laga ilaaliyo oo Cashuurtii takaaliifta ahayd ee lagu kordhiyey gaadiidka wadooyinka lagaga shaqeeyo

2) Iyadoo Baabuurta Isteeranka Bidixda ku leh la joojiyo ama Haadka la Badalo

3) In la kaantaaralo Gaadiidka wadanka imanaya oo La Sameeyo Haayada Quelity Control ka shaqeeya tayada Gaadiidka imanaya tayadisa

4) Liisanka Marka la Bixinayo oo Imtixaan laga Qaado Dadka wadayaasha ah Aqoonta ama Khibrada uu uleeyahay Gaadhiga uu Liisanka uqaadanayo Bal fiirso inta Badan Shilalka Dhaca waxay ubadan yihin labo gaadhi oo isku dhaca ama gaadhi dhacay oo taayir uqarxay Ilaahay ayaa Xalka Haya Qadarkuna waa Qoraal Xaga eebe ka yimaada Balse waa in la Taxadiro ilaahow Na ilaali adaa Qaadiree Waxaa Qoray Xasan Maal Dhidar