BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Sacuudiga Iyo Soomaaliya Oo Heshiis Adag Oo Ka Dhan Ah Somaliland Gaadhay Iyo Markab Dambe Oo Aan Ruqsad Caafimaad Ka Haysan Muqdisho Oo Meel La Isla Dhigay.

Sacuudiga Iyo Soomaaliya Oo Heshiis Adag Oo Ka Dhan Ah Somaliland Gaadhay Iyo Markab Dambe Oo Aan Ruqsad Caafimaad Ka Haysan Muqdisho Oo Meel La Isla Dhigay.

Dawladda Sacuudiga iyo Dawladda Soomaaliya ayaa sida la sheegay waxa ay dib uga naaqishoodeen kadib markabkii Berbera Adhiga ka qaaday ee muranka badan dhaliyay, waxaanay sida la sheegay isla meel dhigeen go’aan ka dhan ah Somaliland.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berber Somaliland oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kaasi oo lagu imtixaamay ruqsad Caafimaad oo ay leedahay Dawladda Xamar ka arimisaa.

Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay.

Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sida aan ku ogaanay warbixin rasmi ah,Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aanay ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay.

Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi.

Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan.

Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya.

85 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins