Saddex Nin Oo Amni Daro Looga Shakiyey Oo Laga Dhex Qabtay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Gudoomiye Aadan X. Cali Oo Beeniyey In Xafiiskiisa La Dhigay Waxyaabaha Qarxa

0
288

Saddex Nin Oo Amni Daro Looga Shakiyey Oo Laga Dhex Qabtay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Gudoomiye Aadan X. Cali Oo Beeniyey In Xafiiskiisa La Dhigay Waxyaabaha Qarxa

Hargeysa (Warsugan) Ciidamada amniga ee magaaladd Hargeysa ayaa gacanta ku dhigiay saddex nin oo looga shakiyey inay falal amni daro ka wadeen maxkamada gobolka Maroodi-jeex.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Mudane, Aadan Xaaji Cali oo Wargeyska Warsugan xidhiidha la sameeyey ayaa u sheegay in ragaas lagu daba jiray iyaga oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ay maxkamadda ku soo noq noqanayeen.

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa intaas ku daray in gacanta lagu hayo isla markaana ay boolisku baadhitaan ku samayn doonaan, magacyada saddexda nin ayaan la shaacin ama aanay sheegin booliska. Booliska ayaan faahfaahin ka bixin qabashada saddexda nin.

Gudoomiyaha maxkamadda sare mudane, Aadan Xaaji Cali ayaa Warsugan u sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xafiiskiisa loo dhigay aaladaha qarxa.