” SADDEX QODOB OO AAN KULMIYE KU DOORTAY”

0
610

” SADDEX QODOB OO AAN KULMIYE KU DOORTAY”

Ugu horayn Mahad dhamaanteed waxa iska leh rabbigeen “SWT”
Marka labaad waxa aan jeclaystay inaan cadeeyo sababaha aan ku doortay xisbiga “Horumarinta Iyo Midnimada Umadda, Ee Kulmiye”
Waa doorashadii labaad ee aan ka qayb galo waxaa doorashadan iiga horaysay tii 2010-kii ka dhacday soomaalilaan taana waxa aan u codeeyay xisbigii dhacay ee Ucid, Kaasoo aan ku raacay Xujooyin uu adeeg sanaayay musharax xisbigaasi oo sheegay inuu haddii uu talada dalka qabsado kitaabka alle ku xukumidoono dawladiisa.

waxa aanan Berigaa ahaa fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe, waxaanan u Gudbaayay fasalka koobaad ee dugsiga sare.
Intaa kadib wixii dhacay way dhaceen Xisbigii uu rabbi ugu talo galayna wuu ku guulaystay kursigii Madaxtooyada ee dalka.

Doorashadan dhacaysa bishan koobiyo tobnaad ee aynu ku guda jirno 13-keeda, ayaa waxa ay tahay mid aad aan uga fekeraayay cidda:- Dalka, Dadka Iyo Diintaba u danta ah.
Aniga oo aan eegay dan gaar ah eegayana danta guud ee Caamka ah, waxa aan go’aan saday inaan ugu rido xisbiga kulmiye ee talada dalka haya, Maaha go’aan aan dhayal-dhayal ku qaatay balse waa go’aan aan meelo badan ka eegay aan ku qancay xisbigaas.

Akhristoow aan kula socod siiye ma ihi caruur balse waxa aan ahay nin saddex dii sano ee ugu danbeeyay noloshiisa jaamacad dhiganaayay, ahna nin xilo saamad ah, hawlaha siyaasadana aad u daneeya una daba gala, jecelna horumarka dalka, dadka iyo diinteenna suubban ee islaam kaba.

Haddaba waxba yaanan hadalka idinku dheerayne aan Gudo galo sababaha aan ku doortay Xisbigaa Dalka Xukuma Maanta Ee Kulmiye, Kagana Doortay Labada Xisbi Ee Kale:-

1. Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Shacabka Ee Kulmiye Waxaan ku doortay inuu wax badan dalka ka qabtay, Sida:- – in la helo waxbarasho bilaasha ah, taas oo ay awoodin karaan dhigashadeeda dadka danyarta ahi.
– dhismaha wadooyinka dalka
– horumarinta caafimaadka
– darajo siinta ciidamadda iyo
– weliba helitaanka biyo nadiifa ah dadkana ku filan.
Waan xaqiiqsanahay mana diidani in Wax badana ka qabyo yihiin, kuwaasoo aynu ka sugayno dhamaystirkooda, Taana hore ayaa looga maah-maahay oo waxa la yidhi “Qabyo Ninkeedaa Dhamaystira”
– Halka labada xisbi ee kale Aanay jirin wax waxqabada ah oo ay qabteen ama waxa hore oo lagu yiqiinay qabasoomidooda.

2. Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta shacabka ee kulmiye waxa aan ku doortay waa nin ku cusub saaxada siyaasada kaasoo ay dhawr iyo toban sano ka hor ugu danbaysay xil-qaran, Kuna suntan inuu qayb laxaad leh ka qaatay dibu xorayntii Dalka iyo Dib ugu soo celintiu xukunka shacabka.

– la’aakiin labada xisbi ee kale madaxda hogaaminaya waxa ay qarankan u shaqaynayeen mudo ka badan dhawr iyo toban sano sida ciro waxa uu golaha shacabka ku jiray muddo ka badan 12-sano welina wax lagu xasuuso lagama hayo, halka faysal isaga aanay jirin wax waxtar ah oo uu qarankan u gaystay horeeyo iyo danbeetaba.

3. Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Shacabka waxaan ku doortay qodobkiisa ugu danbeeyaa waa inuu yahay Musharax xisbigaasi nin kala yiqaana arimaha gudaha dalka kaas oo aan qoyskiisii iyo qaraabadiisiiba ay dalka kunool yihiin.

– halka labada nin ee la sharaxan ay caruurtoodii qurbaha ku nool iyo qoysaskoodiiba.

Guntii iyo Gabagabadii:-
Waxaan Haddalkayga ku soo af-meerayaa, rabbi sidii khayr qabta ha inoogu rido doorasha qaran ee soo socota. Anigu addoon ayaan ahay daciif ah waxaanan sheegay hadalo daciif ah iyo halka aan doonaayo inay guushu marto.
La’aakiin Akhristoow taladii rabbigeen waa meel, waxaanaan shaki iyo murantoonna ku jirin mawluhu kuu ugu talo galay, inaanu cidna kala tashan cidna waxba u weydiin balse uu isaga u qorshaysan tahay.
La’aakiin innagu waxaynu rabbigeen ka baryaynaa in mawluhu Inoogu dhameeyo hawlaheena amni iyo iimaan.

Insha allaah…!

“Waalaysu Soo noqoneey, Wixii nool adduunyadda’eey”

W/Q : Adoonkii Alle Ibraahim Maxamed Kaahin “DHUXUL”