Safiirka cusub ee Ingariiska oo soo gaaray Muqdisho, kana hadlay siyaasadda Soomaaliya

0
386

Wasiirkan cusub ayaa lagu magacaabaa David Concar, waxa uu xilka la wareegay bilawgii bishan Janaayo ee sanadkan cusub ee 2017.

Waxaa Magaalada Muqdisho dhawaan soo gaaray safiirka cusub ee dawladda Ingariiska ay u soo magacaawday dalka Soomaaliya.

Wasiirkan cusub oo lagu magacaabo David Concar  ayaa waxa uu xilka la wareegay bilawga bishan Janaayo ee sanadkan cusub 2017.

Safiirka cusub oo ka soo shaqeeyay dalal dhowr ah oo dunida ku yaal, islamarkaana ah siyaasi si weyn looga yaqaano dalka Ingiriiska ayaa waxa uu safiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u soo magacaawday dalka Soomaaliya Mrs: Harriet Mathews.

David Concar ayaa markii uu suu gaaray magaalada Muqdisho waxa uu ka hadlay siyaasada dalka Ingariiska ee ku aadan Soomaaliya, kana hadlay waxa ay howshiisa tahay.

https://youtu.be/I3mkcG-MftI