SAFIIRKA MARAYKANKA U FADHIYA SOOMAALIYA OO KA HADLAY ARIMO KU SAABSAN SOMALIYA

0
336

Safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr.Stephen Schwartz oo la hadlay warbaahinta VOA qaybteeda ku hadasha afka-Soomaaliga ayaa laga waraystay Xaaladda Soomaaliya iyo halka ay marayaan doorashooyinka dalka.Safiirka ayaa ka hadlay qaabka ay u socdaan hanaanka doorashada, caqabadaha ka jira iyo aragtida Mareykanka ka qabo doorashooyinka.

Stephen Schwartz ayaa qiray inay doorashooyinkii ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada inay qaar kamid ah ku dhaceen falal qaldan, xadgudubyo iyo musuq maasuq.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha dib u dhaca keenay ay tahay in Guddiyada maamulayay doorashooyinka iyo Madaxda siyaasada oo aan ku heshiin mas’uuliyada qaladaadka dhacay.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday liiskii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ahaa 11-kii kursi ee ay laaleen, kaasoo uu tilmaamay in Mareykanka iyo dalalka kale aysan raalli ka aheyn, isagoo xusay in laga saaray liiska kuraastii ugu qatarsanaa ee sida qaldan ku soo baxay.

Waxaa uu ka gaabsaday inuu magacaabo kuraasta, balse waxaa uu tilmaamay in horay Guddiga xalinta khilaafaadka ay u soo gudbiyeen liis, balse haatan lagu soo koobay 11 kursi, kuwaasoo uu xusay in aanay aheyn kuwii qatarta ahaa sida uu yiri.

Mr Stephen Schwartz ayaa sheegay inay ayidayaan natiijada doorashada, hadii ay arkaan in hanaanka doorashada uu noqdo mid la aamini karo

Safiirka Mareykanka ayaa soo hadal qaaday caqabadaha ka taagan doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, isagoo xusay in arrintaas xalinteeda wali ay socoto.