telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

“Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan”Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal

“Salaadiinta Loogama Baahnaa Inay Isku Jawaabaan, Ee Waxa Looga Baahan Yahay Inay Dhaqankoodii Ku Ekaadan”Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal

 

Hargeysa (Suuqsade)-Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey guud ahaan Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu kula taliyey in wanaaga, nasteexa iyo midnimada umadda reer Somaliland ka shaqeeyaan, waxaanu ugu baaqay inay hawlahooda dhaqanka ku eekadan, oo aanay warbaahinta dhaliilo iyo hadalo kulul aanay iskugu jawaabin.

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Salaadiinta waxa looga baahnaa inay ku eekadan hawlaha dhaqanka iyo reeraha, Salaadinta waxa looga baahnaa inay wanaaga, nasteexa iyo midnimada umadda ka shaqeeyaan, loogama baahna Salaadiinta inay warbaahinta dhaliilo isku mariyaan, Salaadiinta loogama baahna inay isku jawaaban, ee waxa looga baahan yahay inay dhaqankoodii ku eekadan,oo wanaaga iyo nasteexa ka shaqeeyaan, Xukuumaddana waxa looga baahan yahay inay xakamayso xeerka ay soo saartay qofkii jabiya”

Xildhibaan Xaamud mar uu ka hadlaayey qorshaha Xukuumadda ee ah in Warbaahinta Dawladdduun Madaxda iyo Masuuliyiinta Xukuumaddu u warami karaan ayaa yidhi “Warbaahintu waa xor, ee Wasiiradda ay khuseeyso in la weydiiyo oo la yidhaahdo maxay waxaasi ku dhacayaan weeye, mana haboona in warbaahinta la kala godobsado, Warbaahintana in mar war walba Warar wacan oo waxtar iyo faa’iido Bulshada u leh inay baahiso weeye”.

 

Source Geeska Afrika 

255 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins