Saldhig uu Maraykanku ku leeyahay Afghanistan oo la qarxiyay

0
283

Qarax wayn ayaa ugu yaraan afar ruux ku dilay garoonka diyaaradaha ee Bagram ee ku yaalla dalka Afghanistan sida ay saraakiishu sheegeen.
Waa saldhiga ugu wayn ee millatariga Maraykanku ku leeyahay dalkaas.
Ugu yaraan 14 kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi sida uu-da u sheegay Haji Shookor oo ah gafarnatoore.
Ururka Taliban ayaa sheegtay in weerarkaas ay gaysteen qaar ka mid ah oo is qarxiyay kuwaas oo bartilmaameed saday meel lagu cashaynayay.
Saldhigan oo u dhaw magaalada Kabul ayaa weeraro joogto ah lagu qaadaa.
Saldhiga Bagram waxaa la weeraray isaga oo lagu xusayo maalinta halgamayaasha ee loo yaqaanno Veteran’s Day.
Jeneraal John W Nicholson oo ah taliyaha ciidammada Maraykaka ee Afghanistan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dadka dhaawacmay uu u xaqiijinayo in ay heli doonaan daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan ee ay awoodaan ayna la murugoonayaan ehelladii iyo asxaabtoodiiba.
Jeneraalku Ma uusan shaacinin cidda ay u kala dhasheen dadka ay waxyeeladu soo gaartay.