Saldhigyada Booliska :Jeebkaaga Ama Jeelka Weyn-WQ/Mohammed Aden Dirir

0
433

Saldhigyada Booliska :Jeebkaaga Ama Jeelka Weyn-WQ/Mohammed Aden Dirir

Muranka Maxbuus Naftiisa ku Waayay mid ka mid ah Saldhigyada Dhexe ee Hargaysa una dhexeeya Cusbitaalka Hargaysa Ayaa Kusoo Noqnoqda in badan waxaana Markhaati ma doon ah Maxbuus saldhig ku dhex dhintay oo Loo qaaday Cusbitaalka isla markaana Keentay in Labada dhinac(Saldhiga iyo Cusbitaalka) midba midka kale ku eedeeyo inuu ku dhintay Intay Gacmaha ku Hayeen

Karaahiyada Masaakiinta iyo Shacabka dulman ee Jamhuuriyadan aynu ku noolahay Waa mid Taxane ku ah Nolol maalmeedka Maanta ,Beri iyo Maalmaha soo socda Waana Dhacdooyin aad usoo joogtay oo aan ku Xasuusin doono taasi oo aynu ka ilaalinay been iyo Borobagaando kasta balse waa mid dhibi doonta kuwa Wax dhibaateeya ee Dhadhanka Macaan ku Qaba Dhagarta Shacabka iyo Dhibanayaasha
img_8892

Saldhig Boolis Waa xarun Ciidan Amni leeyahay looguna talogalay Ku xidhista Cid kasta oo Falal amni daro ah Ka gaysata Deegaanka lagu nool yahay isla markaana Maaha Xabsi cid kasta Lagu Hayo Mudo dheer iyadoo aan Maxkamad la Gayn Ama denbi uu Galay ku Cadaan
Saldhig Boolis waa goob Dhaqan celin loogu xidho hadba Ruuxa Guuxiisa ka dheereeya isla markaana Bulshada tuke Baalcad ka dhex noqday oo Laga badbaadinayo dhibkiisu inuu uu shacab kale saameeyo

Dhamaanba waxaynu soo sheegnay waa Sidii uu Saldhig Caadi ah Noqon lahaa Hadii aanay jirin kuwan Aynu ka hadli doono oo iyagu Ka Duwan Saldhigyo Dhaqan celin Loo Tago Balse taa bedelkeeda Waxay hoy u Noqdeen Dhaqan xumada,Bahalnimada qof lagu xidhay iyo Axmqanimo aanu Hore u lahayn oo Saldhiga Lagu Soo Baray

Hargaysa Waa Magaalo Ka kooban Shan degmo Walow ayba ka badan tahay waxaana ku Yaala Saldhigyo boolis,Xabsiyo iyo Goobo Amniga lagu ilaaliyo waxaana ka dhex socda Marka aad u fiirsato Xaqiiqadana Dul istaagto Dhacdooyin Ka gedisan Wixii loogu Talo galay

Badhtamaha Saldhiga ee Hargaysa waa dhismeWeyn oo Hoostiisa Halaag Aan yarayni ka socdo marka laga reebo goobo Si Wacan loo qurxiyay oo ay ku NAstaan kuna sheekaystaan Saraakiisha Ciidanka Booliska sida Taliyaha Guud ee Booliska,Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargaysa,Hogaanada HAwlgelinta iyo Saraakiil kale oo Door ah

Muaamarada,beenta iyo Wax isdaba Marinta Askarta Boolisku Waa mid ka mid noqotay Nolol Maalmeedkooda Caadiga taasi oo shacabkuna uba arkeen inaanay dhibi ku jirin Waxayna noqotay mid lala qabsaday
Shaadhkayga ayaad Taabatay,waad kibraysaa Ma askariga ayaad u Hanjabaysaa Waar xidha Waxa Nacalaa hooyadii ku Yaale waa Hal haysyada Ciidan Tuute Sita oo aan laga dhisin Xaga Akhlaaqda kuna amar ku taagleeya ninba meesha uu Xukumo sida Kadinka hore Kan jooga ee loo yaqaan gaadhka,OBGga,Madaxa baadhsita iyo Kan haysta Qolka Haysta lagugu xabisayo(ARASAYN)
Hidh iyo laad ayaad ku Galaysaa ilaa Kabaha lagaa bixinayo,iyadoo aanad Xuquuq ku lahayn Maadaama aad Gacanta Booliska Ku Jirto,Mobelka ayaa lagaa qaadayaa,Qoyskiiniina kuma oga inaad xidhan tahay,Mana aha taasi mid iyaga u taala Cunto La’aan ayaad Halkaa ugu Jiraysaa,waxaana Meesha laga saaray oo intaa kuu dheer Nin kusoo Xidhay oo Ku leh dadkiinii maxay Cunto kuugu Keeni Waayeen Waase Meel aan Sharci jirine Waxaa isweydiintu Tahay Qofkaasi Naxariis ma u gelayaa Cid kale Ileen Baqdin gelin Xaalku ka badanoo Dhiigaa Uurka la isugu Celiyee.

Saldhiga Hargaysa Si Fudud ayaad ku galaysaa waxaana kaa soo saari Kara Jeebkaaga iyo Hadba Sida laguu yaqaano amase aad u adeegsado Siyaasi la yaqaano,Suldaan iyo Sarkaal Dawladeed,waxaana aad kasoo Baxaysaa adigoo aan cidna u naxariisanayn Maadaama aan Adigaba Il Naxariis leh lagugu Qaabilin

Saldhiga dhexe ee Hargaysa Waxaa Meel lagu Wada xidhay Sakhraankii Khamriga lagu soo qabtay,Tuug Wax soo xaday,Miskiin lasoo dulmay oo dukaankiisii la yidhi Wadada ayuu soo Galay,Arday macalinkiisii ay is Af dhaafeen iyo Mid Marxuum Ifka dhaafiyay oo dil Loo Haysto

Sharciga La sheego Saraakiisha boolisku Waxay ka dhigeen Madaxa oo Minjaha la hoos Mariyay Waxaana Daliil u ah inuu Xabsiga Adiga kuu Taxaabo Sakhraan Khamri sita oo aad is Afdhaafteen kaasi oo Wasiir Dhalay Askartana Jeebka Kala hadlay waana dhacdooyinka Amakaaga ku noqday Dad badan oo Arintaasi usoo joogay

“Waa laydin soo dacweeyey Oo waad xidhan tihiin,Yaa na soo Dacweeyey ma ninkan Khamriga Sita ee sakhraansan Miyirkiisiiba Ma joogee Miyaan Caadi jirin,mise idinkaaba aan dhaamin,Waar Kac Anaga sidaa hanoola hadline Saqajaanyahaw,rag baad iska Caayaysaa markaasaad welibana soo taagan Tahay,Feedh,Laad iyo Qori dabadiina Way kuu Dheer tahay “

“Waxyaabaha Walaal iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen markii laygu Xidhay Saldhiga waxaa lay geeyey OBGga,dabeeto waxaa layga qoray Magacii,suunkii waa layga saaray,mobelkii waa layga qaaday,intaana feedhka iyo laadku waa igu socdeen sidaan Denbi weyn soo Galay,waxaa la geeyey Qol Uraya oo Saxarada iyo kaadidu dhex yaalaan Adigu Suuli Baa laygu xidhay,Dukhaan baa ka buuxay,Markii aan ku idhi waar ehelkaygii baan rabaa inaan la hadlee ii garaaca waan ku Gaajoodee,wuxuu iigu jawaabay mid Albaabka taagnaa ma Reerkiinii baad Wacaysaa mise Qof Saad(Lacag) kuusoo diraysa,Hooyadaybaan La hadlayaa baan misna ku idhi,maya,maya ayuu si jeesjees ah iigu yidhi hadaanad la hadlayn Cid Saad kuusoo diraysa,24 saac baan ku jiray,reerkayagii ima oga,maxaabiista ayaan iskala boobaa wixii loo keeno,Hada ku darsoo Nin baanu is dilnay,Waxba yaanan hadal kugu daaline Marba mid ayaa ii Yimaada oo dheha Arinka aanu dhamaynee Maxaad dee Noo Haysaa,aniga iyo Taliyaha uun iska kaaya Hagaaji waad ka baxaysaa meeshee “ Ayuu Yidhi Maxbuus Saldhiga Maalmo Ku Xidhnaa

Hadii Lagugu Xidho Saldhiga dhexe ee Hargaysa oo aad Waydiiso Askarta Maxaa laygu Haystaa Jawaabtu Way fududahay Waxaana laguugu Warcelinayaa waxaa laydinka haystaa Xaga Sare oo Iminka Afgarasho Lacageed Noqotay
Markasta oo lagu xidhayo Askartu Waxay ku leedahay Sharci baanu kugu xidhaynaa Markaad gashona Sharcigaasi Meesha Ma Yaalo Xaalkuna wuxuuna ku danbeeyaa Jeebkaaga ama Jeelka Weyn

Denbigu Waa Daf Hadaanad Xataa denbiile ahayn waxaana Lagaaga Dhigayaa Suunka oo aad Saari waydo,Saldhiga Hargaysana Salaadu waa Ka Mamnuuc Marka loo eego Maxaabiista Xili Askartuna Meelaha agtaada ay gaaf wareegayaan Waxaana meesha Laga Saaray Islaamnimadii iyo Asluubtii Anshaxa lahayd ee umadu

Bustaha iyo Furaashka laguugu Dhex keeno Saldhiga dhexe ee Hargaysa waad Kaga dhex Tagaysaa Markaad Fursad u hesho Xoriyadaada oo Dirqi lagugu siiyay hadaad Tahay Danyar Waana Hoyga Dulmiga Dadka Jilicsan iyo Dalacsiinta Dadka ladan ee denbiyada u gaystay Dadka liita

Lasoco Qaybta Labaad.