Saraakiil Sare Oo Ka Socda Imaaraadka Carabta Ayaa Maalmihii U Dambeeyey Ku Sugan Somaliland Iyadoo Ujeeddada Socdaalkooduna Ku Qotonta Dhego-dhegaynta Iyo Xuraanka Arrimaha Heshiiska Dekeda Berbera iyo DP World

0
359

Saraakiil Sare Oo Ka Socda Imaaraadka Carabta Ayaa Maalmihii U Dambeeyey Ku Sugan Somaliland Iyadoo Ujeeddada Socdaalkooduna Ku Qotonta Dhego-dhegaynta Iyo Xuraanka Arrimaha Heshiiska Dekeda Berbera iyo DP World.

Xogta Ay Dalkooda kula Noqdaan ayaa Salka Ku Haya Si Uu Imaaraadku go’aan uga gaadho danaha ay ka leeyihiin Somaliland iyo Maalgashiga Dekeda Berbera.

Hargeysa(Warsugan) Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay wefti Imaaraati ah oo ku sugan Somaliland ayaa sheegaya inay dalka ku sugan yihiin khuburo kala duwan oo isugu jira laamaha kala duwan ee dalkaasi u qaabilsan arrimaha dibeda iyo heshiisyada Caalamiga ah ee ay la gelayaan wadamada kala duwan, kuwaasoo dalka u jooga arrimo ay ugu horayso inay indho-dheeraada u yeeshaan xaalada guud ee la xidhiidha heshiiska ay Somaliland iyo Shirkada DP World dhawaan kala saxeexdeen, lana filayo in maalmaha soo socda la horgeeyo golaha wakiilada Somaliland.
Warar wargeyska warsugan ka helay dad ka agdhaw xubnaaaa la tuhunsan yahay ee u adeegaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa noo xaqiijiyey in ujeedada safarkooda ay dalka u yimaadeen tahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen balamo hore ay ula galeen xukuumada iyo qaarka mida xisbiyada mucaaridka oo uu ka mid yahay gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo isagu hore u sheegay inay dubai ku kulmeen shirkada DP World kana wada hadleen arrimo gaara, balse aanu soo bandhigin waxay ka wada hadleen.

sida xogtani ay iftiiminaysana waxa hubaal ah in socdaalka xubnahan kala duwani dalka u yimaadeen ay tahay in ay daba galaan kana dhursugaan, waxa ay wakiiladu ka yeelidoonaan marka la hor geeyo heshiiska dekeda, iyagoo sida la sheegay uu gudoomiye cirro hore ugu balan qaaday arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin inuu taageersan yahay heshiiska dekeda berbera.

Xubnaha sakaariisha UAE oo somaliland u yimid si ay xogogaal ugu noqdaan arrimaha DP World ayaa Isha ku hayn doona sida ay u dhici doonto iyo wejiga ay xubnaha baarlamaanku ku qaabilaan madaama oo gudoomiyihii wakiiladu balan qaad waafiya u sameeyey shirkada iyo dawlada imaaraadka, iyagoo dalkoodi kula noqon doona wixii ay kala kulmaan Somaliland ee la xidhiidha sida ay u aragto heshiiskaasi, si imaaraadka Carabtu uu go’aan uga gaadho danaha ay ka leeyihiin Somaliland iyo Maalgashiga Dekeda Berbera.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Somaliland wejihi doonto go’aan miisaankiisa leh oo dalka cadawga Somaliland ka nicin kara ama ka farxin doona, iyadoo aynu ogsoonahay xaalada dhaqan dhaqaale ee dalkeena iyo ka wadamada jaarkeenaba.

Xigasho Wargeyska Warsugan