saraakiisha-sar-sare-ee-booliska-amisom-iyo-kuwa-dowladda somaliy-oo-gaaray-magaalada-baydhabo

0
571

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gaaray saraakiil ka socota booliska AMISOM iyo kuwa dowadda Soomaaliya kuwaas oo howlo la xiriira tayeynta booliska u tagay magaalada Baydhabo.

Saraakiisha magaalada Baydhabo gaaray ayaa waxaa hor kacayay taliyaha guud ee ciidamada booliska AMISOM Anand Pillay, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socota booliska Soomaaliyeed.

Wafdigan ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha booliska maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.