Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir qaybtii 4aad

0
487

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir
(1942kii – 2015ka)

“Qacda kamaradaydiyo,
Buug xusuusta qaadiyo,
Qabashada rikoodhkiyo,
Qalinkiyo dawaaddiyo,
Qoraalkaygu way wehel,”

Tuduc aan ka dheegay maansada Dhayalsi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormadii: 4aad

6/9/2015ka
 Dhinaca SNM iyo Garaad Cabdil-Qani Garaad Jaamac iyaga oo eegaya xaaladda halista ah ee dalkeennu marayo iyo halaagga uu qarka u saran yahay, dhibaatooyinkaas halista ah oo si gaar ah u saameeyay gobollada woqooyi iyo dadkoodii, kumaankun ka mid ahina baro-kaceen, haddana ku sugan yihiin nolol silic iyo saxriir leh,

 Tixgelinaya, kuna diirsaday Heshiisyadii nabadaynta iyo walaalaynta Beelaha Soomaaliyeed ee taxnaa, ayna ka mid ahaayeen:

• Qararro: 10-11/2/1990ka,
• Dannood: 15-16/8/1990ka,
• Gawlallaale: 20-22/2/1990ka,
• Gaashaammo: 20-22/8/1990ka,
• Wanaagsan: 6/9/1990ka,

 Islana gartay baahida weyn ee loo qabo in Ummadda Soomaaliyeed iyo qaybahooda kala duwani talo ka gaadhaan aayahooda danbe, iyada oo ay tahay in la soo gebagabeeyo muddada labaatanka sano ka badan ee Ummaddu ku sugnayd digtaatooriga ku habsaday ee geliyay cadaadiska nololeed iyo cabbudhinta nidaamka keli-taliska ah,

 Haddana xeerinaya baahida deg-degga ah ee loo qabo mideynta iyo is-kaashiga dhammaan xoogagga mucaaridka Soomaaliyeed, waxay guddoonsadeen go’aammada iyo qodobbada Heshiiskan ee soo socda:

1. In culays la taaban karo iyo wax-qabad dhab ah la saaro nabadaynta iyo heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed meel ay ku sugan yihiinba,
2. In iyada oo laga shidaal qaadanayo nabadaynta iyo walaalaynta Beeleed ee ka dhalatay go’aammadii Shirweynihii 6aad ee Ururka SNM iyo Heshiisyadii Qararro, Dannood, Gawlallaale, Gaashaammo iyo Wanaagsan loo daaddejiyo Beelaha labada dhinac ka tirsan ee ku nool Sool iyo Sanaag ee aanay weli u suuro-gelin in ay nabadda ku hoos noolaadaan,

3. In labada dhinac si hagar la’aan ah uga wada shaqeeyaan sidii loo demin lahaa colaadda Beeleed ee ka oogan gobollada Woqooyi-galbeed iyo Awdal, iyada oo afti nabadeed laga hayo labada Beeloodba,

4. In aanay labada dhinac dedaalkooda ka hagran sidii loo heli lahaa ummad Soomaaliyeed oo mideysan, isuna niyad-san, lana abuuro jawi caafimaad-qab iyo walaaltinnimo leh,

5. Labada dhinac waxay isku waafaqsan yihiin in arrinta shakhsi-eedaynta iyo denbi-galku tahay mid qof waliba ka mas’uul yahay waxa uu geystay. Sidaas awgeed in aanay xaq iyo caddaalad ahayn in wadar ahaan loogu eedeeyo ama loola dhaqmo qabiil ama bulsho sidii wax mas’uuliyadda fal ama falal ciqaab iyo takoor mudan,

6. Labada dhinac waxay isku aragti ka qabaan dhibaatooyinkii laxaadka lahaa, xasuuqii dadka, burburkii, boobkii iyo dhicii hantidii nooc kasta lahayd ee nidaamka hororka ahi mas’uuliyaddeeda leeyahay, laxaadkeeduna ku dhacay gobollada Woqooyi, maalin walba maalinta ka danbeysana u sii gudbaysa gobollada dhexe iyo koonfureed ee dalka. Iyada oo ay labada dhinac ka murugaysan yihiin ka tacsiyadaynayaanna ummadda Soomaaliyeed ee dhibban, ayay ku ballan qaadayaan in aanay waxba ka hagran sidii loogu halgami lahaa wax kasta oo lagaga bogsan karo dhibaatooyinkaas, laguna sugi karo midnimada, nabadda iyo horumar wax-ku-ool ah oo ummaddu wadar ahaanteeda ku tallaabsato,

7. Iyada oo ay labada dhinac aqoonsan yihiin baahida weyn ee loo qabo in ummaddu isugu timaaddo Shirweyne Qaran oo lagaga tashado aayaha danbe, waxa la isla gartay in Ururka SNM qaado xilka Shirkaa, waqtiga iyo goorta ugu habboon uguna dhakhso badan,

8. Labada dhinac waxay isla qirayaan in qaabka halganka hubeysani uu yahay qaabka ugu toolmoon ee lagu ridi karo nidaamka digtaatooriga ah ee Soomaaliya ka taagan, iyada oo had iyo goor halkudheggu yahay in siyaasaddu hagto qoriga,

9. Labada dhinac waxay Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo askarta damiir Soomaalinnimo ku jiro, welina ku hadhsan ciidanka keli-taliska, ku boorrinayaan in ay ka baxaan falalka dilka iyo dhaawaca ummadda qorigana ay ku jeediyaan cadowga ummulo-dooxa ah,

10. Labada dhinac waxay isku raacsan yihiin in shacbiga Soomaaliyeed nabad iskaga gudbaan gobollada,

11. Labada dhinac waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku dhiirri-gelinayaan sidii ciidammada digtaatoorku aanay gobollada isaga gudbi lahayn si qorshayaasha cadowtinnimo aanay u suuro-gelin,

12. Labada dhinac waxay isku raaceen in la tabantaabiyo askarta ka goosatay ciidanka nacabka ah iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee damacsan in ay u gudbaan degaammadoodii,

13. Labada dhinac waxay isla garteen in ay iska kaashadaan wax-ka-qabadka eedaysanayaasha dhaawacay nabadda, kuna qeexan Heshiisyadii nabadda Beelaha,

14. Labada dhinac waxay dadweynaha taageersan ku boorrinayaan dhaqan-gelinta labadii Heshiis-Beeleed ee Gawlallaale iyo Gaashaammo,

Labada dhinac oo si buuxda isugu af-gartay qodobbada Heshiiskan, waxay kalsooni buuxda ku qabaan in danta shacbigu ku jirto fulinta qodobbadan. Iyada oo laga shidaal qaadanayo sida shacbigeennu ugu heellan yahay wanaagga iyo guulaysigiisa, ayay ummadda ugu baaqayaan:
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here