Saylici wuxuu mutaystey in mar labaad loo doorto madaxweyne ku xigeen amaba madaxweyne.By maxamed jeex

0
328

Saylici wuxuu mutaystey in mar labaad loo doorto madaxweyne ku xigeen amaba madaxweyne.By maxamed jeex

Shacabka reer somaliland waxay ka dheregsanyihiin mudane Abdirahman abdillahi ismail saylic inuu yahay shaqsi aad u wanaagsan oo ku sifoobay daacadnimo oo qalbi furan umadana si fiican ugu adeega waa shiqsi qaymo balaadhan ugu fadhiya umadeena reer somaliland.

Markaad eegto dhaqankiisa waxaad is leedahay ayaa umadeena sidan ka wada dhiga waa nin aad u dhegeysta dadka ixtiraama dadka qadariŷa cida markaas la joogta.
download (4)
Waa nin aad u gacan furan oo ah deeqsi qofkii baahana ee uu arko inay dhibaataa uu sheegtey ay jirto qofkaa wuxuu isku dayaa inuu wax ka qabto.

Waa shaqsi wanaaga jecel oo aan jecleyn in dadku is qabqabsado mar walba ka taliya khayrka iyo wanaaga umadiisa,

Saylici waa nin mudan ku dayasho in lagu daydo dabeecadihiisa wanaagsan ee ah daacadda iyo alle ka cabsiga.

Mudane saylici markii uu yimidey xukunka 2010 gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley waxaa ka jiray qabyaalad aad u xun oo ay dadku kala irdhoobeen,isla markiiba saylici wuxuu bilaaby sidii uu u midayn lahaa dhamaan dadka dega goboladaas aan soo sheegnay,uuna ku guulaystey oo maanta dadkii deganaa degaankaas uu mideeyey boqolkiiba 90%.

Saylici waa ninkii keeney in beelaha samaroon weyne oo aan shirin mudo kabadan boqol iyo todoba iyo sodan sano137 intuu isku keenay ku guulaystey in samaroon weyne shiro taasina wuxuu ku mutaystey in la siiyo bilad dahab ah.

Guntii gunaanadkii!!!
Markii aan waraysanay dadka degan gobolada Awdal,Salal iyo Gabiley ee aan xidhiidh la samayna magaalooyinka ugu dadka badan galbeedka somaliland sida borama,gabiley,boon,saylac,garba dadar,lughaya,baki,xariirad.cali xaydh,xaliimaale,geerisa,gargaara,gargaara bari,fiqi aadan, dadka dhulkaas aan soo sheegay degan waxay rabaan boqolkiiba sagaashan 90% inuu madaxweyne ku xigeenka somaliland Mudane Abdirahman saylici inuu mar labaad uu isasoo sharaxo taasina waxaaa keentey wax qabadkii uu qabtey mudane saylici.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here