Sergio Ramos oo ka hadlay qaabka ay uga soo gudbi karaan kooxda Napoli

0
566

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay qaabka ay uga soo gudbi karaan kooxda Napoli oo ku dhagan habeen dambe.

Real Madrid ayaa garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Napoli oo ku jirta qaab ciyaareed fiican, lugta hore ee wareega 16-ka ee Champions League.

Sergio Ramos ayaa sheegay in kooxdiisa ay waajib ku tahay inay ilaashato shabaqeeda kulanka habeen dambe si ay ugu fududaato inay ka soo gudbaan kooxda Napoli.

“Napoli waa koox wayn oo ku jirta xaalad fiican xiliciyaareed kan, waxaan doonaynaa in aan nalaga dhalin wax gool ah kulanka gurigeena” ayuu yiri Sergio Ramos oo ka jawaabayay su’aalo ay waydiiyeen taageerayaasha.

Image result for Sergio Ramos vs Napoli

“Waa inaan ilaashanaa shabaqeena si ay noogu fududaato shaqada kulanka lugta labaad ee garoonkooda, waxaan rajaynaynaa inaan gaarno Final-ka koobkan, ma dag dagi doono laakiin waxaan ku dadaali doonaa kulanba kan ka danbeeya”.