Shabekada Wikileaks oo Shaacisay Baahinta Siro Dhabar Jab ku ah Tartanka Doorashada Ee Hillary Clinton

0
437

Shabekada Wikileaks oo Shaacisay Baahinta Siro Dhabar Jab ku ah Tartanka Doorashada Ee Hillary Clinton

Hargeysa(Warsugan)Mulkiilaha shabekada siraha aduunka ee wikileaks Julian Assange oo dib udhigay Qudbad uu kasoo jeedin lahaa daaqada safaarada wadanka Ecuador ku leedahay magaalada London oo magangalyo uu ku Deganyahay , Qudbadan oo uu kaga qayb qaadan lahaa sanad guuradii 10aad ee shabekadiisa siraha aduunka faafisa ee wikileaks ayuu ubedelay inuu Qaab video ah kaga Qayb Qaato Xafladii Shalay Ka dhacday wadanka jarmalka taasoo loogu Dabaal Degay sanadguurada shabekadiisa .

Mr. Assange ayaa Mudo kadib ayuu kasoo muuqday shaashada Video uu live ugu jiray wuxuu Sheegay inuu Tobanka Isbuuc ee Soo socda uu sii dayn doono In ka badan hal milyan oo siro ah kuwaasoo uu sheegay inay khuseeyaan hogaamiyeyaal awood ku leh aduunyada isagoo Carabaabay Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee wadanka Maraykanka Hilary Kilinton
Mr.assange ayaa ugu yeedhay sii daynta sirahaa kuwo dhabar jab ku noqon doona tartanka madaxweynimo ee hilarry Clinton isagoo ugu yeedhay “oktoobartii yaabka” kuwaaso galaafan doona tartanka Hillary waa siduu hadalka udhigee.

Ninka lagu magacaabo Assange oo ah nin ay aad uraadinayso dawlada Sweden oo doonaysa inay wax kawaydiiso eedaymo laxidhiidha kufsi , ayaa lafilayaa inuu sidookale kaga jawaabo arimahaas videogan uu ugu talo galay munaasibada sanadguurada.
Maalintii Isniinta ayay shabekada wikileaks barteeda twitterka soo galisay Qoraalkooban oo ay ku shaacinayso in Qudbadii Assange laga raray magaalada London loona raray magaalada berlin ee caasimada wadanka jarmalka balse lama sheegin wax kale oo khuseeya sii daynta siraha Hillary ee dunidu raadinayso iyo ka jawaabista arimaha khuseeya eedaha ninka uga imanaya wadanka Sweden.

Dhinaca kale musharaxa ay tartamayaan Hillary Clinton ee Donald trump ninki hore ee gacantiisa midig ahaa Roger stone ayaa shaaciyay siro cusub oo ay baahin doonto shabekada wikileaks kuwaasoo ayuu yidhi burburin doona olalaha Kilinton ee kursiga ugu sareeya wadanka maraykanka.

isku soo wada duuboo Dadka Darsa Arimaha Siyaasada aduunka ayaa Sheegaya in hadii Sirahani dabada usoo baxaan ay noqon karaan kuwo saamayn taban ku yeesha hilari kilinton , garabna siisa Ninka Hadalka Badan Ee Donald Trump Kaasoo Ku Caanbaxay Cunsiyad ka dhan ah Muslimiinta iyo Dadka Soo Galootiga ah.