Shacabka Somaliland Oo Soo Dhoweeyey Heshiiska Dekedda Berbera Kuna Baaqay In La Ilaaliyo

0
875

Shacabka Somaliland Oo Soo Dhoweeyey Heshiiska Dekedda Berbera Kuna Baaqay In La Ilaaliyo

Hargeysa (WSN)-Shacabka Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibeda dalka ayaa si weyn u soo dhoweeyey heshiiska maalgashiga ee casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera oo Salaasadii xukuumada Somaliland la saxeexay xukuumada Imaaraadka Carabta oo shirkada adeegyada Dekedaha ee DP World metelaysay.
Heshiiskan oo muddo dheer wada xaajoodkiisu u dhexeeyey xukuumada Somaliland iyo shirkada DP World, isla markaana hordhacii nuxurka iyo qodobada uu ka koobnaan doono hore labada dhinac ugu wada saxeexdeen horaantii sannadkan magaalada Dubai, ayuu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).
Saxeexida heshiiskii u dambeeyey ee balaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera ooo wefdi xukuumada ka socda isla markaanaa hogaaminayo Madaxweyne-xigeenka Somaliland Mr. Cabdiraxmaan cabdillahi Saylici, ayey shacabka gobolada dalku si weyn u soo dhoweeyeen, isla markaana ku sheegeen inuu yahay fursad dalka gelin doonta horumar balaadhan dhinac walba, isla markaana bulshadu ka heli doonto shaqo abuur.
Fikradaha shacabka gobolada dalka qaarkood oo ka dhiibteen aragtidooda ku aadan heshiiska maalgelinta dekeda Berbera ka soo uruuriyeen telefishanada BulshoTv iyo Universal, soona diyaariyey weriye maxamuud walaaleye, ayey gabadh degan magaalada Gebilay tidhi,
“Waan soo dhoweynayaa heshiiska casriyeynta dekeda Berbera ee la dhameeyey. Waan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL, waxaanan leenahay madaxaaga iyo minjahaaga Ilaahay ha raajo, kuuna ducaynaynaa. waxqabad aan la koobi karin ayaa xukuumada Kulmiye eed gadhwadeenka ka tahay dalka ka qabatay, taasoo wakhtigan aynu hiigsanayno wadamadda caalamka dhinac dhismeyaal, wadooyiniyo dhinacyada kaleba.
unnamed-2
nin kale oo shacabka Gebilay ka tirsan ayaa yidhi, “Go’aanka xukuumadu ku qaadatay heshiiska dekeda, oo golaha Wakiilada ee ummada metela la soo hordhigay waxaan qabaa inay waajib tahay in horumarka laga shaqeeyo, waanu taageersan nahay.
Shacabka Gobolka Awdal oo ka hadlayey fikirkooda heshiiska dekeda Berbera ayaa nin dhalinyaro ah oo ka hadlayey yidhi,
“Heshiiska maalgelinta dekeda waxaan u arkaa mid mustaqbal ifaya u leh dhalinyarada dalka, waanan soo dhoweynaya, kuna hambalyeynayaa go’aankii xukuumadu kaga dhabaysay gaadhitaankiisa.
Nin kaloo meherad ku haysta magaalada Boorama oo ka hadlayey siduu u arko ayaa yidhi,
“Waxaan u arkaa heshiiska dekeda Berbera mid taariikhi ah oo u dan ah ummada Somaliland, maadama dekedu tahay meel ka dhexeysa..
Nin Dhalinayaro ah oo isaguna fikirkiisa ka hadlayey ayaa yidhi,
“Waan soo dhoweynayaa wax kastoo horumar ah, dekeda Berbera in badan ayey tebaysay horumar, dekeda uun maahee mashruuca Berbera Corridor ayaa wadanka horumarkiisa ku filan.
Nin odey ah oo ka hadlayey siduu u arko heshiiska maalgaashiga dekeda Berbera ayaa yidhi,
” Dekeda Berbera in laga wada taliyo maaha, dadku dawlad ayey doorteen inay tallada u daayaan ayaa fiican. maalgelinta dekeda waxaan u arkaa khayr soo kordhay.
Shacabka Magaalada Burco oo fikirkooda ka dhiibanayey siday u arkaan ayaa nin odey ah oo ka hadlayey yidhi,
“Waxaan u arkaa heshiiska Berbera horumarkii ugu horeeyey ee Somaliland gaadho, oo mid ka horeeyaa jirin, waanan soo dhoweynayaa.
nin kale oo fikirkiisa ka dhiibanayey ayaa yidhi, ” Aad baan u faraxsanahay heshiiska dekeda Berbera, Ilaahay baa mahad leh inoo dhameeyey, shacabkuna ha ka ilaashadaan fursadan cadowga gudaha iyo dibedaba.
Nin kale ayaa isaguna yidhi, “Waan soo dhoweynayaa heshiiska dekeda, maadama uu yahay mid dalka iyo dadka faa;iido u leh, waanan salaamayaa shirkada DP World iyo madaxdeeda.
Shacabka magaalada Berbera oo fikirkooda ka dhiibanayey ayaa nin ka mid ah yidhi,
“Waxa farxda weyn noo ah hadaan nahay shacabka magaalada Berbera inuu soo dhamaaday heshiiskii ugu dambeeyey ee maalgelinta dekeda Berbera, waanan soo dhoweynaynaa.
Nin kaloo fikirkiisa ka dhiibanayey ayaa yidhi, “Waxaan u arkaa heshiiska maalgashiga Berbera ee xukuumadu la saxeexatay shirkada Dp World ictiraafkii aynu sugaynay muddada dheer, waanan soo dhoweynayaa.
Nin kale ayaa yidhi, “Waa soo dhoweynayanaa shirkada DP World annagoo ah dhalinyaradii mustaqbalka dalka u soo kacaysay, maalgashi kastoo dalkyaga faa’iido ku soo kordhinaya diyaar ayaan u nahay.
Shacabka Magaalada Laascaanood oo ka hadlayey dareenkooda heshiiska Berbera ayaa gabadh ka mid ah tidhi,
“Waa farxad weyn in maanta dalkeena shirkadaha caalamka ugu horeeya maalgashadaan, si weyna waan u soo dhoweynayaa, bulshadana kula dardaarmayaa.
Nin kaloo ka hadlayey ayaa yidhi, “Ma filayo fursad ka weyn heshiiska dekeda Berbera oo Somaliland hore u heshay inay jirto, waan soo dhoweynayaa, isla markaana u diyaar ahay inaan ilaashado.
Dadweynaha magaalada Ceerigaabo oo fikirkooda ka dhiibanayey ayaa gabdh dhalinyaro ah waxay tidhi,
“In badan ayaa rag iyo dumar dhalinyaro ah tahriib ku madheen, waxaan leeyahay waa dawadii tahriibka heshiiska Berbera ee hareeraha ka istaaga, waanan soo dhoweynayaa.
Shacabka Magaalada Hargeysa oo ka hadlayey dareenkooda heshiiska dekeda Berbera ayaa odey ka mid ah yidhi,
‘Adeer si weyn ayaan u soo dhoweynayaa, waxaanan filayaa inuu fursad iigu noqon doono ubadka aan dhalay ee waxbarashada dhamaystay iyo kuwa reer Somaliland ee tahriibka u hanqaltaagaya ay shaqo ka helaan.
Hooyo kaloo ka hadlaysay ayaa tidhi,”Ilaahay baan ku mahadinayaa inoo sahlay, xukuumada u halgantayna iyo Madaxweynaha Axmed maxamed Siilanyo waan ku hambalyeynayaa, shacabkana ugu baaqayaa inay hareeraha ka istaagaan ilaasashada fursadan dahabiga ah ee balaadhinta dekeda Berbera, oo qof walba ka heli doono nasiibkiisa.
Guud ahaan bulshada Somaliland ayaa si weyn u soo dhoweeyey heshiiska maalgashiga ee xukuumada Somaliland dedaal badan ka dib ku guulaysatay inay la gasho shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World, taasoo ay saadaalinayaan inay fure u noqoto horumar dadka iyo dalka Somaliland gaadho hadii Ilaah yidhaahdo.