Shan iyo Toban xildhibaan oo xukuumada si adag ugu dhaliilay boob ay sheegeen inay hantidii qaranka ku hayso

0
375

Hargeysa (Warsugannews)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa Xukuumadda uga digay uguna baaqay inay joojiyaan iibinta hantida Qaranka, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu caado ka dhigatay inay hantida guud ee umadda sida ay doonto ugu takri fasho, waxaanu ay sheegay inay baalmartay Dastuurkii iyo Sharcigii dalka u yaalay.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ah Guddoomyiaha Guddida Shuruucda iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in ilaalinta hantida qaranka ay ka wada masuul yihiiin Xukuumadda, Garsoorka, Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada iyo sidoo kale Muwaadiniinta reer Somaliland, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddu aanay cidna u joojin ee sida ay doonto hantida Qaranka ka yeesho, waxaana ugu horeyn hadalkiisi uu ku bilaabay sidan “Sida la wada ogsoon yahay waxay Xukuumaddu caadaysatay inay Hantida guud ee ilaalinteeddu ka dhaxayso dawladda oo aan ujeeddo Xeer-dejinta, Xukuumadda, Garsoorka iyo Muwaadiniinta oo qayb Ka ah Hantida qarankani leeyahay Muwaadiniintaa leh, xukuumadduna waxay u wareejisay si aan Dastuurka iyo qawaaniinta waafaqsanayn, hanti badanna ka qaadato oo aan la garanayn, iyadoo Dastuurka Somaliland uu dhigayo sidan

Qodobka 12aad farqadiisa 2aad waxay odhanaysaa daryeelka Maalka iyo ilaalinta, Hantidda guud wuxuu masuul ka saaran yahay Xukuumadda, Garsoorka iyo Xeer-dejinta iyo muwaadiniintabba, waxaanna qeexaaya Xeer. Hawshaas lama geli karo haddaan Xeer qeexayn, xukuumadduna iyadoo Xeerkii soo gudbin ayay sida hantida gaar ah loogu tagri fallo ugu tagri fashay, xukuumaddu kuma dhaqaaqi karto haddaan xeer jirin”.

Xildhibaan Sicidi Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Isla farqadda 5aad ee Dastuurka ee qodobkaa 12aad wuxuu tilmaamayaa Hantida guud ee lahaanshaheedda ama ka faa’iidaysigeedda waxay ku wareegi kartaa si Xeerka waafaqsan taasinna waxay cadaynaysaa in Xukuumaddu hantida isticmaali karto, laakiin waa marka uu jiro Xeerkii oo qeexaaya nidaamka loo marayo arrintaas, dalkani waxa uu leeyahay boqolaal taajir oon qof iyo laba aan midna ahayn, waxa jira guryo iyo warshado la wareejiyey aan sifihii loo maray aannu cadayn.

Bayaanka ay Golaha Wakiiladu uga digayaan Xukuumadda inay ku takri fasho hantida umadda ayaa waxa si wada jir ah u soo wada saaray Xildhibaanada kala ah

Mudane, Siciid Cilmi Rooble,

Mudane:Baar Siciid Faarax, Mudane,

Maxamed Faarax Qabiile,

Mudane:Jaamac Xasan Aadan,

Mudane:xaamud Cismaan Cigaal,

Mudane Ibraahim M ahdi Buubaa,

Mudane:Cali Sheekh Ibraahim Aareeye,

Mudane:Xaashi Xuseen Caabi,

Mudane:Bashiir Xuseen Tukaale,

Mudane: Cali Xaaji Muuse,

Mudane:Maxamed Saalax Cige,

Mudane:Siciid Warsame Ismaciil,

Mudane:Aadan Maxamed Hoori (mataan),

Mudane: cabdiraxmaan maxamed jamac(xoog),

Mudane:xuseen maxamed cige

Xigasho Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here