telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

SHAN NIN OO KU KUFSADAY LAYO-CADDE LABA GABDHOOD IYO BADHASAABKA SALAL OO KA WARBIXIYEY

Saylac (WARSUGANNEWS.COM)_Wararka ka imanaya magaalad Saylac ayaa sheegaya in lagu kufsaday magaalada xadka Lawyo Cadde laba gabdhood.
guddoomiyaha Salal C/risaaq Waaberi Rooble oo la hadlayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyey in xabsi la dhigay shan nin oo lagu tuhunsan yahay inay geysteen kufsi,kuwaasi oo kufsaday laba gabdhood.
Shantan nin ayaa ka mid ahaa dadka wax tahriibiya,waxaana ay dadka ka kaxeeyaan magaalada xadka ee Lawyo-Cadde iyaga oo u gudbiya dhinaca dalka Jabuuti.
Shantan nin ayaa lagu eedeeyey inay kufsadeen laba gabdhood oo ay tahriibinayeen,waxaana uu sheegay guddoomiyaha Salal C/risaaq Waaberi Rooble in shantii nin xabsi la dhigay, baadhitaanna uu ku socdo.dhinaca kalena waxaa uu xaqiijiyey in labadii gabdhood lagu daweeynayo magaalada Lawyo cadde.

500 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins